Home Blog

“Reer Kaliya Iguma Filna Ee Gobolka Oo Dhan Ayaan U Baahanahay” Wasiir Saajin

0

(68) “Reer Kaliya Iguma Filna Ee Gobolka Oo Dhan Ayaan U Baahanahay” Wasiir Saajin – YouTube

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa maanta hor tagey guddida joogtada ee golaha guurtida JSL.

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa maanta hor tagey guddida joogtada ee golaha guurtida JSL.

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)’, waxa kulanka uu ku hortagey golaha ku wehelinayay masuuliyiinta kala duwan ee wasaaraddaasi.

 

Wasiirka ayaa guddida faahfaahin ka siiyay xaalada guud ee waxbarasho ee dalka, waxaanu sheegay inay hadda fiican tahay.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan qorshayaal horumarineed oo ay ku dardargelinayaan adeeg bixinta waxbarasho ee dalka.

 

Geesta kale waxa uu xusay in macalimiinta barnaamijka shaqo Qaran ay ka hawlgalaan degmooyinka dalka si dadka xoolaha dhaqatada loo gaadhsiiyo adeegyada waxbarasho, waxa uu intaas ku daray in macalimiinta ka soo baxda Kuuliyadda Tabbabarka Macalimiinta ay u kala diraan degmooyinka B-da ah, waxaanu intaas raaciyay in macalimiinta ay u sameeyeen Liisan ay ku hawlgalaan.

 

Wasiir Toorno ayaa tilmaamay in aanay macalimiinta gobollada Awdal iyo Sellel, ee ku meelka ugu shaqaynayay wasaaradda aanay buuxin shuruudihii ay ka wasaarad ahaan ka doonayeen si loogu ogolaado imtixaanka qiimeynta ee hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland.

Shirkadda Dahabshiil Oo $ 300000 Ugu Deeqday Suuqii Wajaale Ee Gubtay

0

Shirkadda Dahabshiil ayaa ku dhawaaqday in ay siinayso ganacsatadii suuqa Wajaale ka gubtay lacag dhan saddex boqol oo kun oo dollar.

 

Maareeyaha guud ee Dahabshiil Cabdirashiid Du’caale, ayaa sidaasi ka sheegay Wajaale oo maanta lagu qabtay munaasabad qaadhaan loogu ururinayay dadkii ku hanti beelay dabkaasi.

Shirkadda Telesom Oo Sheegtay Inay Boqol Iyo Konton Kun Oo Dollar Kaga qayb qaadanayso Dib U Dhiska Suuqii Gubtay Ee wajaale

0

Telesom Group Foundation oo ka wakiil ah shirkadaha Telesom Group ayaa $150,000 (boqol iyo konton kun oo dollar) ugu deeqday khasaaraha dabka suuqa magaalo-ganacsiyeedka Tog-Wajaale 16-09-2023 oo ka mid ah suuqyada ugu dhaqdhaqaaqa weyn guud ahaan dalka iyo geeska Afrikaba.

Maaha markii koowaad ee ay Telesom Group ka qaybgasho musiibooyinka dalka iyo ganacsatada Soomaaliyeedba ku habsatay, dhawaan ayuun bay ahayd markii aannu gacan weyn ka gaysanay musiibooyinkii Suuqa Waaheen Hargeysa iyo khasaaraha dabka suuqii Taywaan ee Jigjiga, waana waajib na saaran, waananu sii wadi doonaa taakulaynta iyo taageerada bulshada.

#suuqawajaale
#telesomgroupfoundation

 

Gudoomiyaha Waddani Oo Sheegay Inuu Dalku Doorasho U Jehaystay

0

Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay, haddii aynnu doorasho sugaynnay dalku wuxuu u jehaystay DOORASHO ee aynnu iska daynno hadaltirada oo u diyaar garowno doorasho, oo aynnu dalka midnimadiisa ka shaqaynno!

 

Waxa aynnu wax ku noqon karaynnaa dadkii ina dooran lahaa oo meel u wada jeeda. Waxa aynnu ka shaqaynaynnaa wixii doorasho, nabadgalyo iyo midnimo wax ka taraya

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga

0

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkig

 

Labo sarkaal oo ka tirsan booliska ayaa ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ee caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga. Dhaawacahoodu maaha kuwo nafta halis gelin kara.

 

Wasiirka, Cali Yerlikiya, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in qaraxa ay mas’uul ka ahaayeen laba nin oo weerarka soo qaaday.

Xisbiga Waddani Oo War Kasoo Saaray Xeerka Doorashooyinka Ee Goluhu Ansixiyey

0

Xisbiga WADDANI ayaa u mahadceliyay Golaha Wakiillada iyo dhinacyada gacanta ka geystay dadaallada lagu soo afjaray khilaafka siyaasadda