Somaliland oo ka welwelsan Dhallinyaro Muqdisho ku xidhan.

0
40

Somaliland oo ka welwelsan Dhallinyaro Muqdisho ku xidhan.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in jidh dil loo gaystay dhallinyarada Somaliland ee ku xidhan Muqdisho kuwaas oo la xidhay markii la dilay Aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable, oo ahaa khabiir dhinaca hawada ah.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in dhallinyaradaasi oo ah aqoonyahano ka shaqaynayay Muqdisho lagu samaynayo jidh dil iyo handadaad si dusha looga saaro dilka marxuum Cabdinaasir Muuse, oo uu sheegay in laamaha ammaanka Soomaaliya dileen.

Wasiir Cali Marreexaan, ayaa ugu baaqay hay’addaha xuquuq Aadanaha in ay booqdaan dhallinyaraasi islamarkaana xukuumadda Soomaaliya lagu cadaadiyo in culayska laga daayo Dhallinyarada.

 

Wasiirka ayaa dhinaca kale ugu baaqay dadka Somaliland ee Muqdisho ku sugan ee aan hayn shaqooyinka muhiim ah in ay iskaga soo baxaan kuna soo laabtaan Somaliland.