MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FARXADDA CIIDDA LA QAATAY CARUURTA SHUHADADA CIIDANKA XOOGGA DALKA

0
49

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FARXADDA CIIDDA LA QAATAY CARUURTA SHUHADADA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Muqdisho, Abriil 10, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid caruurta Halyeeyadii ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa tilmaamay in dowladdu ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta Ciidamada Qalabka Sida.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, dowladdooduna aysan marnaba hilmaami doonin ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, isaga oo Alle u weydiiyay dhammaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta ubadka Shuhadada, sida kartida iyo dhabar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda daryeelka caruurta isaga oo adkeeyay in dowladdu ay doorkeeda ka qaadan-doonto waxbaridda caruurtan.

 

DHAMMAAD

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so