Sheekh Dirir oo ka Hadlay Halista lacagaha Baraha Bulshada laga Sameeyo

0
59

Sheekh Dirir oo ka Hadlay Halista lacagaha Baraha Bulshada laga Sameeyo

Hargeysa – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay in aan waxna laga cuni karin, isla markaana aan laga cibaadeysan karin lacagaha laga sameeyo baraha bulshada, isaga oo sabab uga dhigey, haddii waxa labaahinaya aanu ahayn wax saxa xayeysiis xaaraan ahina aanu ka bixin.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in balaayooyinka ugu waa weyn meesha hadda la mariya ay yihiin baraha bulshada ee lagu xidhiidho.

 

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo wax laga weydiiyay ma laga Xaji karaa lacagta baraha bulshada laga Sameeyo?, waxa uu ku jawaabay. “Balaayooyinka u waa weyn ayaa ka socda baraha bulshadu ku xidhiidho, Soomaalidu waxay tidhaahda haddii aan af xumaan gacani ma xumaato.

 

Beenta baraha bulshada laga sheego iyo danbiga laga galo, iyo isku dirku wuu ka weyn yahay ka qof caadiya iyo dad kooban, waatu Nebigu SCW ka waramayay ee uu lahaa waa been jihooyinka oo dhan la gaadhsiinayo, qofkaasina waa ka danbi badan yahay ka kale.

 

Haddii uu xalal yahay oo laga siidaynayo, wacdigiii, xalaashii, xigmadii, arrimihii aqoonta, macluumaad guud, waxa haddii uu yahay waa xalaal wixii laga hela, haddii waxan lasiidaynaya kuwan la sheegay yahayna waa xaaraan, adoo tafsiir ka siidaynaya haddii Xayeysiis xaarana lagu soo diro oo aanad iska xidhin wixiiba xaaran ayay ka dhigeysa, marka haddii aad kalsooni ka qabto inaad iska baloog gareynkarto, nimanka meesha sameystay waxa ay ku soo daynayaan wixii aad ka helaysa waa xalaal, balse haddii aanad xayeysiiska joojin kareyn ama adiga qudhaaduba xumaan aad ka baahinayso wixii aad ka qaadataba waa xaaran, malaga Xaji kara? Waxa ka horeeya mala cuni karaa? Marka wixii baraha bulshada laga helay lama cuni karo, laguma cibaadeysan karro, calaf kale manoqon karro, haddii aan laga helin shuruudaha sarre ku xusan, in uu yahay wax saxa waxaad baahinaysa, xayeysiis xaaran ahina aanu ka bixin”