Dhakhtarkii Live Ku Dul Galay Qalliinka Oo Muqdisho Lagu Xidhay

0
47

Waxaa xabsiga loo taxaabay dhaqtarkii live ka kasoo galay barta tiktok asagoo qaliin ku samaynaya Gabar foolanaysa kadib markii ay dacwo ka gudbiyeen qoyskii gabdha dhalay iyo ninkeeda.

 

Qoyska gabadha dhalay waxay ku eedeeyeen in Dr-ku sameeyay fal qayru-masuulnimo ah oo ay gabdhoodu halis ku gali kartay, maadaama uu u muuqday markii uu live-ka ku jiray mid aanan dareen badan siinayn Hooyada dhalaysa iyo cunuga caloosheeda ku jira taas badalkeedana uu aqrinayay Faalooyinka loo soo qoraayay sidoo kale uu la sheekeysanayay dadka u saarnaa daaqada live ka .

 

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen dhaqtarka inuu ninkeeda iyo familkeeda u diiday inay gudaha u galaan Saalada, taas badalkeedana uu live Tiktok oo ay daawanayaan kumanaan qof uu gabadha dhalaysa dhax geeyo inkastoo aan gabadha wajigeeda la arkayn.

 

Kilwe Media