Home Blog Page 3

Midowga Yurub Oo Booqday Madar Ayaa Ku Deeqay 8 Bilyan

0

Guddiga Midowga Yurub ayaa maanta booqasho ku tagay Masar, iyagoo la kulmay Madaxweyne Al-Sisi, waxay la gaareen heshiisyo, waxayna ballanqaadeen $8 bilyan oo kaalmo dhaqaale ah.

 

Sida horey looga arkay Midowga Yurub, waxay la hortagayaan sii socoshada dhaqaale burburka Masar, xilli sannad walba lagu qiyaaso hal milyan oo ruux inay ku siyaado tirada dadka Masar, si looga hortago qulqul tahriib oo ka yimaada dadka Masar oo dhaqaale xumada dalkooda ka cararaya iyo xataa colaadda Qasa, waxay iskudayayaan Midowga Yurub inay dhaqaale ku taageerraan Masar, si la mid ah sida ay horey ku sameeyeen Turkiga , iyagoo ka fogaanaya magangalyo doon ka yimaada dhinaca Suuriya.

Madaxweynaha Somalia Oo Asmara Gaadhay Iyo Qaabkii Loogu Soo Dhaweeyey

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Asmaraa ee dalka Ereteriya halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah, Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

 

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Ciidamada Hindiya Oo Mar Kale Isku Diyarinaya Hawl Gal Budhcad Badeedka Somalida Ka Dhan Ah

0

UPDATE: Ciidanka badda Hindiya ayaa isku diyaarinaya howlgal kale oo ay ku doonayaan inay ku soo furtaan markabka MV Abdullah ee gacanta ugu jira koox Soomaali ah oo ka soo afduubay badweynta Hindiya, saacado kaddib markii ay soo furteen markabka MV Ruen ,sida ay xaqiijisay Puntland.

 

Kooxda haysata markabkan laga leeyahay Bangladesh, ayaa la sheegay in loo diray farriin lagu wargelinayo inay sii daayaan markabka , haddii kalana ay la kulmi karaan cawaaqib xun, iyadoo kooxda Soomaali ahna ay ku adkaysanayaan haddii loo soo dhawaado inay markabka iyo shaqaalaha saaranba burburin doonaan. Kooxda Soomaalida ah hadda waxay billaaban inay ku cadaadiyaan shirkadda markabka leh si dhaqso ah inay ku soo gaarsiiyaan lacagaha ay ka doonayaan.

Qodobo muhiim ah oo Ka Soo Baxay Shirkii Amniga Qaranka ee Ka Qabsoomay Taliska Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka.

0

Qodobo muhiim ah oo Ka Soo Baxay Shirkii Amniga Qaranka ee Ka Qabsoomay Taliska Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Qaranka oo maanta oo Axad ah ka qabsoomay Taliska Ciidanka, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliyayaasha guud ee Ciidamada kala duwan.

 

Kulankan waxaa ka soo baxay Qodobadan:

 

1- shirka waxaa soo baxay in la adkeeyo amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba amniga Guud ee Dalka.

 

2- In Maalmaha Ciida iyo guud ahaanba bisha barakaysan ee Ramadaan inta lagu guda jiro in la la xoojiyo amniga, ciidamo dheeraad ahna la geeyo Suuqyada Caasimadda iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn.

 

3- Waxaa la farayaa bulshada ku Ganacsata suuqyada waaweyn ee Caasimada Dalka in ay ka fogaadaan wadooyinka, si aanay u xanibin isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha maalmaha Ciidda.

 

4- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel waxaa la farayaa in ay feejignaadaan ciidamada nabadgelyadana ay gacan ku siiyaan ilaalinta Nabadgalyada.

 

5- Waxaa lala socodsiinayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka feejignaadaan dhibaatada uu dabku leeyahay ama laydhku, kana taxadaraan, waxaana la farayaa shirkadaha bixiya adeega Laydhka in ay nidaamiyaan xadhka laydhka, ayna mariyaan meelaha hoose sida dhulka hoostiisa.

 

6- Waxaa la farayaa Ciidamada nabadgelyada in ay xoojiyaan amniga inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan, maalmaha Ciidda, una diyaar garoobaan adkaynta amniga maalinta Qaranka ee xuska 18 ka May ee loo diyaar garoobayo.

 

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Taliska Booliska Gaadhay Iyo Ujeedada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha. Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo Nisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cadowgu ku khal-khal gelinayo ammaanka, isla markaana ay ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle.

 

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.

Iran Oo Budhcad Badeed Somali ah Laysay

0

Koox Soomaali ah oo goor dhow isku dayay inay qabsadaan dooni kalluumaysi oo laga leeyahay Iran , meel ku beegan xeebaha deegaanka Ceel Dhanaane, ayaa mid ka mid ah la dilay mid kalana la dhaawacay, markii ay iska caabiyeen rag hubaysan oo saarnaa doontii ay iskudayeen inay afduubaan.

 

Doonyaha kalluumaysiga ayaa noqday habka ay kooxaha Soomaalida hadda ku soo qafaashaan maraakiibta ganacsiga ee ay ka soo afduubaan biyaha caalamiga ah.

𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐐𝐮𝐫𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐒𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐰𝐢𝐢𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚.

0

𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐐𝐮𝐫𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐒𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐰𝐢𝐢𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚.𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐐𝐮𝐫𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐒𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐰𝐢𝐢𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚

 

Masaajidka Cali Mataan ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tartanka Quraanka Kariimka ah ee 25 aad ee shirkadda Dahabshiil sida joogtada ah u taabogaliso bisha barakaysan ee ramadan.

Tartankan oo ah ka ugu taariikhda dheer tartannada Quraanka Kariimka ah ee soomaalidda. waxa ka qayb galay ardayda ku tartamaysay 30 ka juz oo ka kala socda gobollada waxana sadexdii arday ee u sareysay iyo dhamaan 38 kii arday ee ka qaybgalayba la gudoonsiiyay Abaalmarino qaali ah.

waxana munaasibadda xidhitaanka ka soo qaybgalay guddida tartanka, wasiiro culimaa udiin, masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil iyo bulshada guud ahaan.

 

Waxa sanadkan 2024 tartanka quraanka ku guuleystay:-

1- Kaalinta Koobaad – 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐡𝐚𝐤𝐮𝐮𝐫 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐞

2- Kaalinta Labaad – 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐦𝐚𝐚𝐫𝐤𝐞 𝐀𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝

3- Kaalinta Sadexaad – 𝐌𝐮𝐬𝐜𝐚𝐛 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦

 

#Dahabshiil #RamadanMubarak #DahabshiilGroup #TartankaQuraankaDahabshiil #africasglobalmoneytransfer #ramadan2024

 

Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay magaalada Cabudwaaq

0

Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay magaalada Cabudwaa

Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa weriye caan ah oo muddo dheer ka howlgali jiray gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

 

Nin hubaysan oo ilaalo ka ahaa xarunta lagu quudiyo carruurta agoomaha, ayaa xabbad madaxa uga dhuftay weriyaha oo sidoo kale madax ka ahaa isla xarunta lagu dhex dilay.

 

Dhaawac halis ah oo kasoo gaaray dhinaca madaxa ayuu xalay u geeriyooday.

 

Lama oga sababta loo dilay weriyaha, hase ahaatee warar aanu helnay waxay sheegayaan inuu jiray muran dhexmaray weriyaha iyo ninka ilaalada ka ahaa xarunta uu falku ka dhacay.

 

Cabdikariin Axmed Bulxan oo Cabudwaaq uga soo warami jiray warbaahinta dowladda Soomaaliya, ma ahayn wariye kaliya, sidoo kale wuxuu caan ku ahaa howlaha samafalka iyo nabada ee Caabudwaaq iyo guud ahaan degaanada Galmudug.

 

Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ku baaqay in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeno dambiilaha

falkaas geystay.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN KU SAABSAN AMNIGA DALKA IYO CIRIBTIRKA KHAWAARIJTA LA QAATAY HAY’ADAHA AMNIGA DALKA

0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN KU SAABSAN AMNIGA DALKA IYO CIRIBTIRKA KHAWAARIJTA LA QAATAY HAY’ADAHA AMNIGA DALK

 

Muqdisho, Maarso 14, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

 

“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib ugu soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada, waxa uuna sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan.

 

DHAMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Qarax Muqdisho Ka Dhacay Iyo Wararkii U Dambeeyey

0

UPDATE: Qarax ayaa ka dhacay hotelka SYL, Muqdisho ee ku soo jeeda albaabka koowaad ee laga galo dhismayaasha Baarlamaanka , xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha.

 

Dadka ku dhow hotelka ayaa laga soo xigtay in qaraxa uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hotelka oo dhammaan waddooyinka soo galo ay ka soo gudbaan kaliya gaadiidka ku gudba aqoonsi.