Daahir Rayaale Oo Isugu Yeedhay Reer Awdal “Dekedii Lughaya Waa La Dhisayaa Halkii Milyan Ee Ugu Horeeyayna Waan Sidaa “

0
28

Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa kulan ballaadhan Magaalada Boorama kula qaatay qeybaha bulshada ee gobolka Awdal. ‘

Waxaa kulankaasi ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha ganacsiga iyo xidhiidhka golayaasha, Maamulka gobolka Awdal, Madaxda dhaqanka iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo khudbad dheer ka jeediyay halkaas ayaa iftiimiyey nuxurka kulankaas isagoo sheegay in afar iyo toban sanno ka hor ay ugu dambaysay inuu shir noocan oo kale ah la qaato haldoorka gobolka Awdal.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin wuxuu dhaabadeeyay aafooyinka ummada ku soo kordhay iyo sida looga bixi karo.

Waxaanu yidhi “Waxaa dibadda ka soo kordhay arrin Saxaafadda casriga looga faa’iidaysanayo si dadka loo wareeriyo, kuwaas oo mararka qaar xaaladda lagu jiro ka dhiga mid aan sugnayn”.

Isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray “Waxaa jira dad inala dhashay oo dibadaha ka soo hadla iyagoo yidhaahda Xamar ayaan tegaynaa, haddaba aniga ayaa idiin sheegayee Xamar waxba ma yaalaan, iyagii ayaa sii kala socda oo nabad u waayay magaaladoodii, Markaa haddii aan reer Awdal nahay Xamar waxba inooma yaalaan, halkan uu Ilaahay ina dhigay iyo dadka hareeraheenna ku nool bari iyo Galbeed ayaynu isku mustaqbal nahay”.

Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxaa kale oo uu is barbar dhigay muuqaalkii uu gobolka Awdal lahaa 1991-kii iyo marxalada uu maanta ku jiro.

Waxaanu yidhi. “Intii joogtay Boorama dib ha u xasuustaan 1991-kii xaaladdii lagu jiray iyo Boorama sida ay ahayd iyo weliba wixii laga qabtay dhawr iyo soddonkii sanno ee u danbeeyay, wakhtigaas waxaa Boorama ku yaalay hal Secondary oo ah Sheekh Cali Jawhar oo iskaa wax u qabso lagu dhisay, maantana waxaynu ognahay in magaalo kasta uu ka dhisan yahay kana furan yihiin dugsi, dhexe iyo mid sareba.”
Rayaale wuxuu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay dhisida dekedda Lughaya, waxaanu carabka ku dhuftay in halkii milyan ee ugu horreeyayna uu madaxweynuhu bixinayo.