Somaliland:- Taxi-layaal mar laga wada helay HIV/AIDS iyo sababtay ku qaadeen oo la ogaaday

0
51

Somaliland:- Taxi-layaal mar laga wada helay HIV/AIDS iyo sababtay ku qaadeen oo la ogaaday

Ciidanka booliska Somaliland ayaa soo bandhigey arrin naxdin, anfariir iyo u qaadan waa ku noqotay guud ahaan bulshada dalka, taas oo ah dhacdo dhif iyo naadir ah in lala kulmo, waxaaney daboolka ka qaaday halista ay ku sugan yihiin wadayaasha gaadiidka yar ee dukhaanka ama raaxada loo yaqaano iyo sida aanay ugu baraarugsaneyn halista ay ku sugan yihiin.

 

Baadhis lagu sameeya 5 dirawal oo wadayaasha dukhaanka ah, oo saaxiibo ah, ayaa waxa sikedisa waxa ay natiijadii badhistooda caafimaad u soo baxday inay qabaan xannuunka halista badan ee HIV/AIDS-ka, kaas oo ay boolisku caddeeyeen in baadhitaan kadib ay ogaadeen in xannuunkan ay ka qaadeen hablaha ajaanibta Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka, kuwaas oo goobaha shaaricyada ah ku iibiya bunka.

 

Sarkaal sare oo ciidanka booliska ka tirsan ayaa xogtan la wadaagey qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

 

Waxaanu yidhi. “Wiil yar oo kuwan dukhaanada wata ah, ayay xaaskiisu foolatay, deetana dhakhtarka ayuu geeyay, waxa la yidhi dhiig ayay u baahan tahay, ninkasta saaxiibadii ayuu u yeedhanaya sow maaha? Shan dukhaanle ayuu u yeedhay, shantiiba waala baadhay, shantiiba HIV/AIDS-ba laga helay, shanti wiil ayaa dib loo raacay,’ waxa halkeed ka qaadeenba la yidhi? Hablaha yaryar ee Itoobiyaanka ee Bunka kariya ayaanu rawixinabay yidhaahdeen habeenkii,’ waa dagaal nooc kala adee, waxa laga yaaba waxa inala wada jooga ee buka iibinaya inay wada qabaan xannuunkaas, oo ay shirkadi soo maalgelisaydee, Islaamka iyo innaga ayay inala dagaalamaysa, adiguna mid yar uunbaad jac ka siinaysa oo aad iska tageysaa,”.

 

Daawade haddii hal goob oo lagu baadhay 5 dirawal laga helay xannuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka, maxaa laga filankaraa halista caafimaad ee ku duugaan wadayaasha gaadiidka iyo bulshada inta uu safarkoodu badan yahay, waxaana bulshada reer Somaliland halis ugu jirta in qofkasta si dhib yar u qaado xannuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS, waxaana loo baahan yahay in qofkasta sijoogta ah ula socdo xaaladiisa caafimaad kana kana digtoonaado la macaamilka dadka ajaanibta.