Home Blog Page 4

Qarax Muqdisho Ka Dhacay Iyo Wararkii U Dambeeyey

0

UPDATE: Qarax ayaa ka dhacay hotelka SYL, Muqdisho ee ku soo jeeda albaabka koowaad ee laga galo dhismayaasha Baarlamaanka , xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha.

 

Dadka ku dhow hotelka ayaa laga soo xigtay in qaraxa uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hotelka oo dhammaan waddooyinka soo galo ay ka soo gudbaan kaliya gaadiidka ku gudba aqoonsi.

Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ) oo Caawa xabsiga laga siidaayay

0

Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ) oo Caawa xabsiga laga siidaayay

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in goor dhaweyd xabsiga laga siidaayay Madaxwaynihii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley), sida dad xogagaal ahi u sheegeen Warbaahinta.

 

Cabdi Iley ayaa xabsiga loo taxaabay 2018-kii, xilligaa oo ahayd wakhtigii ay rabshadihii u waawaynaa ka dhaceen Dowlad degaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Jigjiga, iyadoo xilligaa Cabdi Iley lagu eedaynayay inuu rabshadahaas isagu kiciyay, Cabdi Iley ayaa wakhtigaas Jigjiga lagaga qaaday Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya, iyadoo markii dambena Addis Ababa lagu xidhay.

 

Cabdi Iley intii uu xidhnaa dhowr jeer ayaa Maxkamadda lagu celceliyay, waxaana dhowr mar loosoo jeediyay eedaymo ay kamid ahayd kicin bulsho iyo dhac hanti, balse Cabdi Iley waa uu iska fogeeyay eedaymahaas, mana suurtoobin in la xukumo iyadoo ugu dambeyn maanta dib u helay xorriyadiisii.

 

Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ) ayaa waxaa caawa lala siidaayay maxaabiis dhowr ah oo u badan Soomaali, waxaa kamid ahaa dadka Cabdi Iley lala siidaayay wiil da’yar oo lala qabtay Cabdi Iley oo ay gacanta un ku dhacday, wax eed ahna aan marna loosoo jeedin kaas oo lagu magacaabo Warsame yare.

 

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyay siidaynta Cabdi Iley oo muddo dheer bilaa xukun ku xidhnaa Addis Ababa, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay siidaynta Cabdi Iley, oo dadka qaarkii oo xasuusan dhibaatooyinkii ay xukuumaddiisu ka gaysatay degaanka Soomaalida ay kasoo horjeedaan siidayntiisa, haddana waa midda ugu hadal haynta badan in caawa oo Cabdi Iley dowladdu aad ugu dhagganayd uu xorriyaddiisii dib u helo.

 

Siidaynta Cabdi Iley maysan tabin Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Itoobiya, kaliya waxaa tabiyay Warbaahinnada madaxa banaan sida BBCda qeybta Afka Axmaariga.

Wasiirka Diinta Somaliland Oo Golaha Guurtida Looga Yeedhay

0

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta JSL, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa saaka hor tagey guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, guddidaasi oo sii shaqaysa inta goluhu fasaxa yahay.

 

Markii uu wasiirku soogaadhay xarunta golaha guurtida waxa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Mudane Dayib Xasan Axmed iyo xildhibaanada guddidaasi.

 

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in ay golaha wasiiradda Somaliland horgeeyeen xeerka iyo siyaasada lagu maamulayo sakada dalka.

 

Sidoo kale wasiirku waxa uu intaas ku daray in guud ahaan dalka oo lagaga soomay Khilaaf la’aan, waxaanu ku boggaadiyay iimaamyada masaajidada dalku sida wanaagsan ee ay ugu hoggaansameen go’aankii wasaaradda ka soo baxay, waxa uu intaas ku daray in dhawaan la soo gaba-gabeeyay tartankii Qur’aanka Madaxweynaha oo uu xusay in 19 arday oo dalka oo dhan ahi ay ku soo baxeen.

 

Geesta kale wasiirku wasiirku waxa uu tilmaamay in ay mideeyeen eedaankii masaajidada, waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay Manhaj Midaysan u sameeyeen guud ahaan Madaarista Qur’aanka ee dalka oo dhan.

 

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in ka culimo ahaan ay qayb weyn ka qaataan difaacada iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland, isla markaana ay qaataan doorka kagaa began ka culimo ahaan.

Xildhibaan Bulshada ka codsaday dadka soonka laga korqaaday in la daryeelo

0

Xildhibaan Bulshada ka codsaday dadka soonka laga korqaaday in la daryeel

 

Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Siciid Libaaxo), oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay xaalada nololeed ee soo wajahayday dadka qabba xannuunka dhimirka ee ku nool magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, waxa uu sheegay in dadkaasi ay iska dhexmaraan suuqyada, isla markaana cidda ay ku tiirsanayeen ay ahayd Hudheelada oo ay wax ka cuni jireen, balse hadda hudheeladii la xidhay.

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dadkani ay yihiin kuwii aanu soonku kuwaajibin, waxaanu tilmaamay in ay gargaar u baahan yihiin oo haddii goob caafimaad la gayn karo iyo haddii wax la siin karaba ay u baahan yihiin.

 

Siodoo kale waxa uu bulshada ugu baaqay in la caawiyo carruurta darbiijiifka ah oo iyaga laftoodu ku tiirsana cuntada hudheelada loo xidhay fadliga bisha barakeysan ee Ramadan, isla markaana qorshuhu yahay in la furo xilliga ciida haddii ALLE Qadaro.

 

Gaba-gabadii waxa uu bulshada reer Somaliland ka codsaday maadama lagu jiro bishi raxmada iyo naxariista, ILLAAHEYNA khayr badan laga rajjeynayo in la isu naxariisto, isla markaana ilgaara lagu eego, inta maanka ka bukta, darbijiifta iyo masaakiintaba.

Xukuumadda Somaliland oo u digtay waddamo ay sheegtay in ay rabaan in ay farogaliyaan is-fahamka ay Itoobiya la gashay

0

Xukuumadda Somaliland oo u digtay waddamo ay sheegtay in ay rabaan in ay farogaliyaan is-fahamka ay Itoobiya la gashay

Hargeysa, Maarso, 11, 2024 – Xukuumadda Somaliland ayaa u digtay waddamo aanay magac dhabin oo ay sheegtay in ay rabaan in ay faraha lasoo galaan isfahamka ay la saxeexatay Itoobiya.

 

Qoraal lagu baahiyay bogaga Wasaarada Arrimaha Dibadda, ayaa lagu sheegay in Somaliland aanay marnaba aqbali doonin waxkasta oo ka hor imanaya danteeda.

 

“Somaliland waxay si aan ka leex leexad lahayn u diidaysa muquuninta noockasta oo ay noqoto, gaar ahaan wixii kasoo horjeeda danteeda qaranka, ama doonisteeda madaxbannaanida”Ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Qoraalka waxa lagu sheegay in heshiiskii ay dhawaan kala sexeexdeen Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid sababaya iskaashi iyo ka wada faa’iidaysi laba geesood ah, oo labada dhinacba badhaadhe u ah.

 

Waxa uu intaa ku daray in ay Somaliland soo dhawaynayso wadashaqayn kasta oo wax dhisaysa, oo ay la yeelato caalamka, lakiin ay ka foojigantahay waddamo iyo ururo doonaya in ay danahooda shaqsiga ah uga faa’iidaystaan heshiiska Itoobiya.

 

“Somaliland si wayn ayay u fahansantahay waddankasta ama ururkasta oo doonaya in uu faraha lasoo galo hawshan, isaga oo ku dhexdhuumanaya arrinta beenta ah ee ah ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, si ay u gaadhaan danaha qaramadooda” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Gaba-gabadii, waxa qoraalka lagu sheegay in ay Somaliland ka go’antahay ilaalinta nabada guud ee gobolka iyo caalamka, isla markaana ay ku foogaantahay ilaalinta gaar ahaan biyaha Badda Cas.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐜𝐚𝐚𝐦𝐢𝐢𝐬𝐡𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐮𝐦𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐛𝐚 𝐜𝐮𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧. ✨🌙

0

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐜𝐚𝐚𝐦𝐢𝐢𝐬𝐡𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐮𝐦𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐛𝐚 𝐜𝐮𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧. ✨🌙

Inta lagu guda-jiro bishan barakaysan aynu badinno ku mahadnaqa nimcooyinka Alle ina siiyay.

 

Waa muhiim in rabbi loogu mahadnaqo, taageerada joogtada ah ee ay inala wadaagayaan eheladeenna iyo asxaabteenu ee ay inoo soo mariyaan Dahabshiil

 

Mahadnaqu waa shayga ugu mudan ee aynu joogteyn karno bisha Ramadaan kana dhigan karno cashar aynu ku dabaqno guud ahaan nolosha!

 

🌟Dahabshiil, midka ugu mudan ee ay ehelada, qaraabada iyo asxaabtu farxad ku dawaagi karaan maalmaha ramadaanta.🌟

 

Alle ha innaga aqbalo acmaasha saalixa ah, bishan bisheedana ha inagu gaadhsiiyo cimri-dherer, caafimaad-qab iyo cibaado suubban.

 

#RamadanMubarak #Dahabshiil #Gratitude #Community #Togetherness #Blessings #JoyfulLives

#FamilyandFriends #Sharing #LoveandPeace

#ContinuousSupport #AfricasGlobalMoneyTransfer #DahabshiilRamadan #Mahadnaq

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚  𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐮𝐬𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 (𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐥𝐝𝐨𝐨𝐫) 𝐨𝐨 𝐚𝐡 𝐪𝐨𝐫𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐇𝐀𝐃𝐇𝐈𝐖𝐀𝐀” 

0

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚  𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐮𝐬𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 (𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐥𝐝𝐨𝐨𝐫) 𝐨𝐨 𝐚𝐡 𝐪𝐨𝐫𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐇𝐀𝐃𝐇𝐈𝐖𝐀𝐀”

Wasiir Xasan Macallin ayaa Haldoor ku boggaadiyay doorka qoraanimo ee uu bulshada u hayo, wuxuuna ku dhiirigaliyay inuu sii wado dadaalkiisa, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo adkaysto caqabadaha jira oo noloshu ku saleysantahay dadaalka shaqsiga ah ee guulaha lagu gaaro.

 

Wasiirka ayaa ka iibsaday 50 nuqul oo ah buugga “HADHIWAA” si uu Haldoor ugu dhiirigaliyo waxqabadkiisa dhiirigalinta Maxamed Haldoor, waxay dhiirigalin u tahay qoraayaasha Soomaaliyeed si loo muujiyo saamaynta ay ku leeyihiin dhaqanka iyo garaadka Bulshada, wasiirka ayaa ugu dambeyn timaamay sida ay dowladda uga go’an tahay kobcinta hal-abuurka iyo kobcinta garaadka Umadda Soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA OO GOOBJOOG KA NOQDAY DHAARINTA XUBNAHA WASIIRADA CUSUB EE DOWLADDA PUNTLAND.

0

MADAXWEYNAHA OO GOOBJOOG KA NOQDAY DHAARINTA XUBNAHA WASIIRADA CUSUB EE DOWLADDA PUNTLAND

 

Garoowe: 10 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubnaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

 

Xubnaha Wasiiradda: –

 

  1. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

 

  1. Waxaa Ibraahin Cartan Ismaaciil loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR.

 

  1. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

 

  1. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

 

  1. Waxaa Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

 

  1. Waxaa Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

 

  1. Waxaa Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

 

  1. Waxaa Faarax Cawad Jaamac loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

 

  1. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

 

  1. Waxaa Cabdullaahi Bile Nuur loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

 

  1. Waxaa Maryan Axmed Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

 

  1. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska.

 

  1. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

 

  1. Waxaa Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

 

  1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroowe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada.

 

  1. Waxaa Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

 

  1. Waxaa Cabdiraxman Axmed Cabdulle loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

 

  1. Waxaa Liibaan Muuse Cismaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

 

  1. Waxaa Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

 

  1. Waxaa Maxamed Cabdiqaadir Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

 

  1. Waxaa Hodan Siciid Xasan loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

 

DHAMMAAD.

 

XAFIISKA WARFAAFINTA Madaxtooyada DOWLADDA PUNTLAND.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Muxuu Ka Yidhi Curashada Ramadaan

0

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa curashada bisha Ramadan ku hanbalyeeyay shucuurta Islaamka.

 

“Curashada caawa ee bishan barakaysan ee Soon ama Ramadaan darteed, waxa aan hambalyo balaadhan & tahniyad sare hawada u marinayaa dhammaan Muslimiinta dunida ku nool, si gaar ahaanna shacbiga xariirta ah ee reer Somalilandmeel kasta oo ay dunida daafaheeda ka joogaan.

 

ALLAH waxa aan weydiisaneynaa in uu ina siiyo bishan kheyrka qabta barakadeeda, isla markaana ina waafajiyo cibaado suuban, wanaag is-faris, isu naxariisasho dhexdeenna ah, gaar ahaanna masaakiinta, danyarta, inta hayntoodu yar tahay, dadka xanuusan , waayeelka jilicsan, & agoonteenna.

 

Ugu dambeyn, dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan Ilaahay u weydiinayaa in uu innagu gallado midnimo dhexdeenna ah, wada-jir, isku-duubni, horumar, nabad, xasiloonni, iyo dadkeenna oo qoqobka & qabyaaladda ka baxa.”

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabid Sameeyey

0

Wareegtooyin Madaxweyne.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;

Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

Ujeeddo: Magacaabid.

 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  1. In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Maxamuud Warsame Jaamac Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland