Wasiirka Diinta Somaliland Oo Golaha Guurtida Looga Yeedhay

0
31

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta JSL, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa saaka hor tagey guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, guddidaasi oo sii shaqaysa inta goluhu fasaxa yahay.

 

Markii uu wasiirku soogaadhay xarunta golaha guurtida waxa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Mudane Dayib Xasan Axmed iyo xildhibaanada guddidaasi.

 

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in ay golaha wasiiradda Somaliland horgeeyeen xeerka iyo siyaasada lagu maamulayo sakada dalka.

 

Sidoo kale wasiirku waxa uu intaas ku daray in guud ahaan dalka oo lagaga soomay Khilaaf la’aan, waxaanu ku boggaadiyay iimaamyada masaajidada dalku sida wanaagsan ee ay ugu hoggaansameen go’aankii wasaaradda ka soo baxay, waxa uu intaas ku daray in dhawaan la soo gaba-gabeeyay tartankii Qur’aanka Madaxweynaha oo uu xusay in 19 arday oo dalka oo dhan ahi ay ku soo baxeen.

 

Geesta kale wasiirku wasiirku waxa uu tilmaamay in ay mideeyeen eedaankii masaajidada, waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay Manhaj Midaysan u sameeyeen guud ahaan Madaarista Qur’aanka ee dalka oo dhan.

 

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in ka culimo ahaan ay qayb weyn ka qaataan difaacada iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland, isla markaana ay qaataan doorka kagaa began ka culimo ahaan.