Xildhibaan Bulshada ka codsaday dadka soonka laga korqaaday in la daryeelo

0
24

Xildhibaan Bulshada ka codsaday dadka soonka laga korqaaday in la daryeel

 

Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Siciid Libaaxo), oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay xaalada nololeed ee soo wajahayday dadka qabba xannuunka dhimirka ee ku nool magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, waxa uu sheegay in dadkaasi ay iska dhexmaraan suuqyada, isla markaana cidda ay ku tiirsanayeen ay ahayd Hudheelada oo ay wax ka cuni jireen, balse hadda hudheeladii la xidhay.

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dadkani ay yihiin kuwii aanu soonku kuwaajibin, waxaanu tilmaamay in ay gargaar u baahan yihiin oo haddii goob caafimaad la gayn karo iyo haddii wax la siin karaba ay u baahan yihiin.

 

Siodoo kale waxa uu bulshada ugu baaqay in la caawiyo carruurta darbiijiifka ah oo iyaga laftoodu ku tiirsana cuntada hudheelada loo xidhay fadliga bisha barakeysan ee Ramadan, isla markaana qorshuhu yahay in la furo xilliga ciida haddii ALLE Qadaro.

 

Gaba-gabadii waxa uu bulshada reer Somaliland ka codsaday maadama lagu jiro bishi raxmada iyo naxariista, ILLAAHEYNA khayr badan laga rajjeynayo in la isu naxariisto, isla markaana ilgaara lagu eego, inta maanka ka bukta, darbijiifta iyo masaakiintaba.