Home Blog Page 5

HAMBALYADA MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD EE BILASHADA BISHA RAMADAAN

0

HAMBALYADA MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD EE BILASHADA BISHA RAMADAA

 

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan.

 

Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo.

 

Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.

 

Ramadaan kariim.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY QALINJABINTA DUFCADDA 22-AAD EE JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED

0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY QALINJABINTA DUFCADDA 22-AAD EE JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEE

 

MUQDISHO, Maarso 09, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay mudnaanta ay dowladdu siinayso tayaynta waxbarashada dalka iyo muhiimadda bixinta canshuuruhu u leyleyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay dadaalkii dowladda soomaaliyeedu u gashay dib u furidda Jaamacadda Soomaaliyeed oo la hirgaliyay sanadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso hormarinta iyo kor u qaadida waxbarashada dalka.

 

“Waxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.

 

Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruufo adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka msutaqbalka, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

 

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii 22-aad ee ka baxda Jaamacadda ayaa tiro ahaan gaarayey 1535 Arday, kuwaasi oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee heerka koowaad iyo heerka labaad ee taqasuska sare.

 

DHAMMAAD.

Waddani O U Riyaaqay Xeerka Madaxweynuhu Saxeexay

0

Waa bushaaro weyn iyo farxad la sugayey in maanta la saxeexo oo uu dhaqan-galo Xeerarka doorashooyinka isku sidan ee muddooyinkii ugu dambeeyey Jamhuuriyadda oo dhammi ku howllaneyd sidii uu ansixi lahaa una dhaqan geli lahaa.

 

Waxa aan mahadnaq u dirayaa dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay in dalkeennu dib u qaado tubtii doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda oo ay ugu horreeyaan labada Gole Qaran ee Barlamaanka JSL, iyo daneeyayasha kale ee arrintan wax ka geystay.

 

Dalkan iyo dadkiisu waxa ay u baahan yihiin wada-jir, midnimo, wax wada-lahaansho, is aaminaad iyo in geeddiga qori isku dhiibku uu halkaa innooga sii socdo, taasina way ay ku imanaysaa in la qaado dhabo doorasho oo xor iyo xalaal innoogu dhacda.

 

Reer Somaliland oo dhan, gudo iyo dibedba, waxa aan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan doorashooyinkii isku sidkanaa, Xisbiga WADDANI-na, waxa uu Qarankan u horseedi doono isbeddel ku dhisan Caddaald, Sinnaan & Wadajir.

 

Iskuhaynta Dalka & Dadka.

Diyaarad Jowhar Ku Dhacday, cidda Ay U Socotay Iyo khasqaraha

0

Diyaarad Jowhar Ku Dhacday, cidda Ay U Socotay Iyo khasqaraha

Diyaarad nooca xamuulka qaada una rarnayd ATMIS ayaa goordhow waxa ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar kaddib markii ay ka baxday Dhabaha ay ku cararaan Diyaaradaha.

 

Dadka saarnaa ayaa la wariyay in laga bad baadiyay Diyaaraddaan dhacday ayna jirin khasaara soo gaadhay.

 

Dadka qaar ayaa wariyay in uu diyaaradda dab qabsaday marka laga soo bad baadiyay Dadkii saarnaa inkastoo markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabka.

 

Weli faah faahin intaas dheer lagama hayo shirka Diyaaradeed ee Garoonka Jowhar ka dhacay.

Guddida Doorashooyiunka Qaranka Somaliland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii madaxweynaha Somaliland ku saxeexay xeerarka isa saarka doorashooyinka Qaranka.

0

Guddida Doorashooyiunka Qaranka Somaliland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii madaxweynaha Somaliland ku saxeexay xeerarka isa saarka doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Oo qalin Ku Duugay Xeerarka Doorashooyinka

0

Madaxweynaha Somaliland Oo qalin Ku Duugay Xeerarka Doorashooyinka

Wareegtooyin Madaxweyne.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinaayo laba xeer oo kala ah:- Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023. Iyo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023.

 

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaa Madaxweynuhu Sidan:-

 

  1. Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023.

 

Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023; (Go’aan Lr. GW/KF- 7/01/2024);

 

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay Faqradaha 5aad iyo 6aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;

 

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay ereyga “Boqollay” ee ku jira Faqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;

 

Waxaan soo-saaray;

 

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-Bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lr. 91/2023 iyo lifaaqyada kala ah:

 

  • Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024, iyo

 

  • Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024.

 

  1. Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo Gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023, (Go’aan Lr. GW/KF- 7/02/2024);

 

Waxaan soo-saaray;

 

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Xildhibaan Cusub Dhaariyey

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida JSL.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2023, dhaariyay Qaasim Xuseen Madar, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.

 

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu dhawaan banneeyay, Alle ha u naxariistee marxuum Xuseen Madar Xoosh, taasi oo uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Maxkamadda Sare u soo gudbiyey, codsi uu ku dalbanayo in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Qaasim Xuseen Madar, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

 

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

 

ALLAA MAHAD LEH

Sarkaal Fashiliyey Damac Faracsiiskiu Dagal Kaga Abuurayo Ruushka Iyo Maraykanka

0

UPDATE: Sarkaalkii hore ee sirdoonka Mareykanka, Scott Ritter oo hadda ah fallanqeeye militari wuxuu sheegay in Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron uu ku kacayo ficilo Mareykanka ku jiidaya inuu galo dagaal ka dhan ah Ruushka, kaddib markii Macron uu ku celceliyay in loo baahanyahay in ciidamo loo diro Ukraine , si loo celiyo Ruushka.

 

“Tani waa ciyaartiisa nacasnimada ah, marka hore, Faransiisku ma haysto awood ciidan ku filan uu ku diri karo, taas oo muhiim u ah Ukraine. Markaa Faransiisku wuxuu u baahan doonaa caawinta waddamada kale ee NATO, maxaa dhacaya marka ay halkaas tagaan? Dagaalka Ruushka? Maxaa dhici doona marka Ruushku burburiyo ciidamadaas? Markaas Faransiisku wuxuu ku qaylin doonaa: “NATO, noo kaalmee! ficilada noocan oo kale ah ee dhinaca Faransiiska ayaa ku ridi doona “dabin” Washington, kaas oo lagu qasbi doono inuu Mareykanka caawiyo xulafada NATO…. Ma ogolaan karno xaalad ka dhalata taas oo hoggaamiyaha Yurub uu gaaro go’aan ugu dambeyntii horseedaya dagaal Maraykanka uu lala galo Ruushka.”

Somaliya ku fashilantay laba iskuday oo ay ku celinaysay diyaarado kasoo degaayay Madaaro ku yaala Somaliland.

0

Somaliya ku fashilantay laba iskuday oo ay ku celinaysay diyaarado kasoo degaayay Madaaro ku yaala Somaliland

 

Somalia ayaa ku guul daraystay, markii labaad isku day ay ku doonayeen in ay hawada kaga celiyaan Diyaaraddo u socday Madaarka Berbera iyo mid ku socotay Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Hargeysa.

Diyaarada hore Berbera u socotay ahayd Fanjet 102 Boeing 734 ka timid dalka Chad kuna socotay Madaarka caalamiga ah ee Berbera.

 

Sidoo kale isku daygii labaad ayey saaka isku dayeen tan iyo intii uu bilowday dagaalka Hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxaanay saaka ku guul daraysteen in ay hawada ka celiyaan Ethiopian Airlines Cargo oo ka timid Addis Ababa, kuna socatay Hargeysa, waxaanay diyaaraddan markii ay ku guul daraystay in ay celiso, ay xidhiidh toos ah la soo samaysay Xarunta Maamulka Hawada ee Somaliland ee Hargeysa.

 

Saleebaan Saxansaxo

Madaarka Diyaaradaha Berbera maxaa ka socda ?

0

Madaarka Diyaaradaha Berbera maxaa ka socda

 

Qore:- Mohamed Sidik – Dhamme

 

Shaqaalaha Madaarka Berbera oo ahaa 92 qof waxa ka tegay oo laga eryay 31 qof hadda waxa ka Shaqeeya 68 Shaqaale ah, Dhamaan Shaqaalaha waxa uu Heshiiski (Contract) ka dhacay January waxa lagu qasbay inay 3 bilood dub u saxeexaan, hore waxa ay u saxeexi jirin Heshiiska (Contract) Sannad, Toddobaadkii u danbeeyay waxa Shaqada laga joojiyay qaybaha Aviation Security (AVSEC) 21 qof, Ground Handling Operator (GHO) 10 qof, Madaarka Dawladda Somaliland gacanta kuma hayso, Maareeyaha Madaarka Berbera Xafiis kuma laha door kale iyo shaqo ha sheegin, Madaarka Berbera waxa gacanta ku haysa Shirkadda BIAC ee Maamusha Madaarka Boosaaso, waa in Dawladdu faragelisa Shaqaalaha iyo shaqo joojinta.