Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Muxuu Ka Yidhi Curashada Ramadaan

0
22

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa curashada bisha Ramadan ku hanbalyeeyay shucuurta Islaamka.

 

“Curashada caawa ee bishan barakaysan ee Soon ama Ramadaan darteed, waxa aan hambalyo balaadhan & tahniyad sare hawada u marinayaa dhammaan Muslimiinta dunida ku nool, si gaar ahaanna shacbiga xariirta ah ee reer Somalilandmeel kasta oo ay dunida daafaheeda ka joogaan.

 

ALLAH waxa aan weydiisaneynaa in uu ina siiyo bishan kheyrka qabta barakadeeda, isla markaana ina waafajiyo cibaado suuban, wanaag is-faris, isu naxariisasho dhexdeenna ah, gaar ahaanna masaakiinta, danyarta, inta hayntoodu yar tahay, dadka xanuusan , waayeelka jilicsan, & agoonteenna.

 

Ugu dambeyn, dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan Ilaahay u weydiinayaa in uu innagu gallado midnimo dhexdeenna ah, wada-jir, isku-duubni, horumar, nabad, xasiloonni, iyo dadkeenna oo qoqobka & qabyaaladda ka baxa.”