“Waxaan Soo Ban Dhigay Naa Barito Oo Maalin Jimce Ah, Afoo Dhul Boob Baahsan Ah” Qalinkii: Aqoonyahan Garya. Axmed Maxamed Xaashi
“Waxaan Soo Ban Dhigay Naa Barito Oo Maalin Jimce Ah, Afoo Dhul Boob Baahsan Oo Ku Habsaday Dhulka Danta Guud Ee Beeraha Degmooyinka Koonfurta Hargaysa Ay Ku Hayaan Dawladda Hoose & Dhul Ka Badan 1500 Oo Baloog Dan Guud Ahaa Oo La Cunay” Qalinkii: Aqoonyahan Garya. Axmed Maxamed Xaashi
Aniga oo ka mid ah Aqoonyahanka, waxgaradka iyo hormuudka degmooyinka Koonfurta Caasimadda Hargeysa, waxaan soo ban dhigaynaa Barito oo ah maalin Jimce ah, afoo dhul boob baahsan oo ku habsaday dhulkii danta guud ee laga jaray Beeraha Degmooyinka Xoonfurta Caasimadda Hargeysa ku yaala dhulkii looga jaray Danta guud oo ah dhul ka badan 1500 oo BALOOG, ay cuneen Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, waxa nasiib daro ah dhulkani aan ku ku soo sheegnay ee dhulkii dawladdu lahayd ee danta guud looga jaray Beeraha Koonfurrta Hargeysa ku yaala, ma jirto wax adeegyadii ay xaqa u lahaayeen dadkani sida Waddooyinka, Isguulo, Biyaha, Xarumo MCH-yo Caafimaad ama Qashin ururinta degmoyinka oo loo qabtay Bulshadda ku kala dhaqan Degmooyinka koonfurta Hargeysa ee kala ah Maxamuud Haybe .M .mooge iyo axmed dhagax , Sida darteed hadii aanu nahay bulshadda ku kala dhaqan Xaafaddahan iyo degmooyinkani aan soo sheegay waxaan soo bandhigaya dhamaan Beeraha laga jaray danta guud oo an loo reebiin iskuulo malcamado ama saribado ama dhakhtaro meel loga dhiso ma jirto.
Dhulkani danta guud ahaa ee Beerahan Koonfurta Hargeysa shacabka laga jaray, dhamaan berahaa dhulkii Danta guud ahaa ee laga jaray waxaanu cadayntooda hayna soona bandhigi doona inay dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa cuneen dantaasi guud ee qaranku lahaa oo aan la haynin wax bulshadda dib loogu celiyey, sida darteed maadama oo dawladdii dhexe ay daawanayso dhulkaasina noqday mid Golaha deegaanka iyo Maayarkooda Hargeysa ay dhulkani aanu soo bandhig doono iyagu xalaalaystay oo waxba laga qabanwaayey in laga horjoogsado inay boobkani joojiyaan, waxaana saaxafadda u soo bandhigi doona dadkii Beeraha lahaa oo dhamaan dadwaynihi lahaa berahaani oo iyagu afkooda ka cadaynaya tirada danta guud ee markii hore Beerahooda laga jaray ee qaranku lahaa balse hada noqday dhul la cunay iyo cidii ibisay waxaanu cadaynta loo balamay in bayaan lagu cadeeyo iyo inaan loo ogolaan cidii laga Ibiiyay dhulkani danta guud ee qaranka Somaliland lahaa oo ay u diidan cidi ka ibisay danta guud.
Waxa kale oo aanu soo bandhigi doonaa beero dhan oo Agoonti lahayd dan guud looga ahaan cunay oo ka tirsan .d.m.mooge oo 7 baloog oo keliya loo rebay berti dhamayd balse 7 baloog ee soo hadhay maxkabadu dhaxal ugu qaybisay agonti lahayd balse hada laguso rogaal celiyay oo lo joojin wayay maxakabadi uqaybisay inti soo hadhay oo hada dhisme lagu bilaabay si loo cuno inti maxakabada degmadu uqaybisay agonti waxa lagu tuntay sharcigi dhaxalka la hayo xukunadi maxakabada ee logu qaybiyay 7 baloog ee kasoo hadhay berti dhamayd oo hada dib lo boobayo baloog ka midah 7 baloog. ee dhaxalka aha oo la jeexday hada waaxan soo bandhigaya dhulki agoonta oo hada cidkale loo dhisayo tasoo sharcigii dhaxalkooga iyo maxakabadi uqaybisay agonti lahayd dhulka loo joojin wayay oo si badheedh ah looga cunaayo Agoonti lahayd.
Waxaan soo ban dhigi doona dhamaan beertaasi intay leegayd ee laga rebay 7 baloog oo imikana 7 mid ka midah lajexday iyo dhamaan xukunadi dhaxalka oo loo joojin wayay hada sida darted waxan usoo jedinayaa hayadaha ay khusayso in si degdegah sharciga loo horgeeyo xubnaha afeeyay hantidii umadu lahayd oo hada usoo dhigtay dhaxalki agoonta waxakale oo aan baaq udirayaa dhamaan beralaayda laga cunay danti guud oo. waxloogu qabtay jirin inay haystan hantida danta guud loga jaray ee la cunay biyay ee wax logu qabanlaa oo ay udiidaan dadka laga ibiyay hantidi umada ee loogu talo galay in loga dhiso dugsiyo ama masajido ama malcamdo ama ama saldhigyo sida darteed beralaaydu waa inay soo bandhigaan hantida danta guud ee lacunay intay leegtay iyo inay haystan danta guud ee laga jaray oo ay uhayaan wixii logu tala galay danta guud oo ay eryaan cidkasta oo laga ibiiyay hantidaa umada waxa jira oo hada uxidhan cawil oo diiday 25 Baloog oo dan.guud loga jaray marki la ibiyay oo hada ku xidhan saldhiga m mooge.
Qalinkii: Aqoonyahan Garya. Axmed Maxamed Xaashi
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Oo Awood Sharci Meesha Kaga Saaray Sheegashadii Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Iyo Xafiiska TopNews: Xisaabiyaha Oo Noqday Waaxka Mida Wasaaraddiisa + Wasiir Yuusuf Oo Ka Hadlay
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Oo Awood Sharci Meesha Kaga Saaray Sheegashadii Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Iyo Xafiiska Xisaabiyaha Oo Noqday Waaxka Mida Wasaaraddiisa + Wasiir Yuusuf Oo Ka Hadlay
Khilaadka ka dhex taagna Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud (Geeddi), ayaa la sheegay in la xaliyey isla markaana lagu dhameeyey tafaasiil sharci oo iskugu biyo shubatay in Xafiiska Xisaabiyaha guud yahay waax ka tirsan wasaaradda Maaliyadda isla markaana awoodiisu noqonayso xisaabiyaha mid hoostagta oo uu maamulo sharciyan wasiirka maaliyadda Somaliland.
Warsaxaafaddeed uu maanta soo saaray wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland md Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa uu ku cadeeyey in khilaafkii u dhexeeyey isaga iy Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi la xaliyey isla markaana khilaafkaasi ku dhamaaday isaga oo xafiiska Xisaabiyaha guud ee qaranku noqday mid waax wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland ka tirsan oo Waax wasaaraddaasi hoostagta ah.
Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland md Yuusuf Maxamed Cabdi, Warsaxaafaddeedka uu ka soo saaray xal u helista iyo soo afjarista ay ka gaadheen khilaafkii isaga iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi u dhexeeyey waxa uu u dhignaa sidan.
Jamhuuriyadda Somaliland |
Republic of Somaliland |
|
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda | Ministry of Finance Development | |
Xafiiska Wasiirka |
Ref: WM/02/08-01/ /2018 Date: 08/11/2018
War-saxaafadeed
Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay cadaynaysaa inuu dhamaaday kala aragtida sharciyeed ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxda Xisaabaadka Guud ka dhexeeyay, kaas oo ku soo afmeermay in Xafiiska Xisaabaadka guud yahay Waax “Department/Office” ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, sida ku xardhan Dastuurka JSL, Xeerka Maamulka Maaliyadda ee Waddanka u Dajisan iyo Hannaanka Dawladnimo ee Dunidu isticmaasho.
Allaa Mahad Leh
Yuusuf Maxamed Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
DAAWO- Shacabka Laascaanood Oo Xildhibaan Siciid ku Taageeray In Distoorka La Furo lana fuliyo Heshiiskii Khaatumo
https://www.youtube.com/watch?v=8bu9QBN-uqE
Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wefti Uu Horkacayo Wasiirka Gashaandhiga Iyo Difaaca Dalka Turkiga (Daawo Sawirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.
Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.
Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga.
DAAWO- Maxay Tahay Sababta Uu Isku Casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xassan
Halkn ka daawo muuqaalka warkaas oo faah faahsan:-