Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Oo Awood Sharci  Meesha Kaga Saaray Sheegashadii  Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Iyo Xafiiska TopNews: Xisaabiyaha Oo Noqday  Waaxka Mida Wasaaraddiisa + Wasiir Yuusuf Oo Ka Hadlay 

0
520

 

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Oo Awood Sharci  Meesha Kaga Saaray Sheegashadii  Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Iyo Xafiiska Xisaabiyaha Oo Noqday  Waaxka Mida Wasaaraddiisa + Wasiir Yuusuf Oo Ka Hadlay 

Khilaadka ka dhex taagna Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud (Geeddi), ayaa la sheegay in la xaliyey isla markaana lagu dhameeyey tafaasiil sharci oo iskugu biyo shubatay in Xafiiska Xisaabiyaha guud yahay waax ka tirsan wasaaradda Maaliyadda isla markaana awoodiisu noqonayso xisaabiyaha mid hoostagta oo uu maamulo sharciyan wasiirka maaliyadda Somaliland.

Warsaxaafaddeed uu maanta soo saaray wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland md Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa uu ku cadeeyey in khilaafkii u dhexeeyey isaga iy Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi la xaliyey isla markaana khilaafkaasi ku dhamaaday isaga oo xafiiska Xisaabiyaha guud ee qaranku noqday mid waax wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland ka tirsan oo Waax wasaaraddaasi hoostagta ah.

 

Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland md Yuusuf Maxamed Cabdi, Warsaxaafaddeedka uu ka soo saaray xal u helista iyo soo afjarista ay ka gaadheen khilaafkii isaga iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi u dhexeeyey waxa uu u dhignaa sidan.

 

Jamhuuriyadda Somaliland

     Republic of Somaliland

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ministry of Finance Development
Xafiiska Wasiirka

Ref: WM/02/08-01/        /2018                                                                           Date: 08/11/2018

 

War-saxaafadeed

 

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay cadaynaysaa inuu dhamaaday kala aragtida sharciyeed ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxda Xisaabaadka Guud ka dhexeeyay, kaas oo ku soo afmeermay in Xafiiska Xisaabaadka guud yahay Waax “Department/Office” ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, sida ku xardhan Dastuurka JSL, Xeerka Maamulka Maaliyadda ee Waddanka u Dajisan iyo Hannaanka Dawladnimo ee Dunidu isticmaasho.

 

Allaa Mahad Leh

 

Yuusuf Maxamed Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

war saxaafadeed 10 (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here