“Waxaan Soo Ban Dhigay Naa Barito Oo Maalin Jimce Ah, Afoo Dhul Boob Baahsan Ah” Qalinkii:  Aqoonyahan Garya. Axmed Maxamed  Xaashi    

0
453

“Waxaan Soo Ban Dhigay Naa Barito Oo Maalin Jimce Ah, Afoo Dhul Boob Baahsan Oo Ku Habsaday Dhulka Danta  Guud   Ee  Beeraha Degmooyinka Koonfurta Hargaysa  Ay Ku Hayaan Dawladda Hoose & Dhul Ka Badan 1500  Oo Baloog Dan Guud Ahaa Oo La Cunay” Qalinkii:  Aqoonyahan Garya. Axmed Maxamed  Xaashi

   

Aniga  oo ka mid ah Aqoonyahanka, waxgaradka iyo hormuudka degmooyinka Koonfurta Caasimadda Hargeysa, waxaan soo ban dhigaynaa Barito oo ah maalin Jimce ah, afoo dhul boob baahsan oo ku habsaday dhulkii danta guud ee laga jaray Beeraha Degmooyinka Xoonfurta Caasimadda Hargeysa ku yaala dhulkii looga jaray Danta guud oo ah dhul ka badan 1500 oo BALOOG, ay cuneen Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa,  waxa nasiib daro ah dhulkani aan ku ku soo sheegnay ee dhulkii dawladdu lahayd ee danta guud looga jaray Beeraha Koonfurrta Hargeysa ku yaala, ma jirto wax adeegyadii ay xaqa u lahaayeen dadkani sida Waddooyinka, Isguulo, Biyaha, Xarumo MCH-yo Caafimaad ama  Qashin ururinta degmoyinka  oo loo qabtay Bulshadda ku kala dhaqan Degmooyinka koonfurta Hargeysa ee kala ah Maxamuud Haybe .M .mooge  iyo  axmed dhagax , Sida darteed hadii aanu nahay bulshadda ku kala dhaqan Xaafaddahan iyo degmooyinkani aan soo sheegay waxaan soo bandhigaya dhamaan Beeraha laga jaray danta guud oo an loo  reebiin iskuulo  malcamado ama saribado ama dhakhtaro meel loga dhiso   ma jirto.

 

Dhulkani danta guud ahaa ee Beerahan Koonfurta Hargeysa shacabka laga jaray, dhamaan berahaa dhulkii Danta guud ahaa ee laga jaray waxaanu cadayntooda hayna soona bandhigi doona inay dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa cuneen dantaasi guud  ee qaranku lahaa oo aan la haynin wax bulshadda dib loogu celiyey, sida darteed maadama oo dawladdii dhexe ay daawanayso dhulkaasina noqday mid Golaha deegaanka iyo Maayarkooda Hargeysa ay dhulkani aanu soo bandhig doono iyagu xalaalaystay oo waxba laga qabanwaayey in laga horjoogsado inay boobkani joojiyaan, waxaana saaxafadda u soo bandhigi doona dadkii Beeraha lahaa  oo dhamaan dadwaynihi lahaa berahaani oo iyagu  afkooda ka  cadaynaya tirada danta guud ee markii hore Beerahooda laga jaray ee qaranku lahaa balse hada noqday dhul la  cunay  iyo cidii  ibisay waxaanu  cadaynta loo balamay in bayaan lagu  cadeeyo iyo  inaan loo ogolaan  cidii laga Ibiiyay dhulkani danta guud ee qaranka Somaliland lahaa  oo ay u diidan  cidi ka ibisay danta guud.

Waxa kale oo aanu soo bandhigi doonaa beero dhan oo Agoonti lahayd  dan guud looga ahaan cunay oo ka tirsan .d.m.mooge   oo  7 baloog oo keliya  loo rebay  berti dhamayd balse  7 baloog ee soo hadhay maxkabadu dhaxal ugu qaybisay agonti lahayd  balse hada laguso rogaal celiyay oo  lo joojin wayay maxakabadi uqaybisay inti soo hadhay oo hada dhisme lagu bilaabay  si loo cuno inti maxakabada  degmadu uqaybisay agonti waxa lagu tuntay sharcigi dhaxalka  la  hayo xukunadi  maxakabada ee logu qaybiyay 7 baloog ee kasoo hadhay berti dhamayd oo hada dib lo boobayo baloog ka midah 7  baloog. ee dhaxalka aha oo  la  jeexday hada  waaxan soo bandhigaya dhulki  agoonta oo hada cidkale loo dhisayo tasoo sharcigii dhaxalkooga  iyo  maxakabadi uqaybisay agonti lahayd dhulka   loo joojin wayay  oo si badheedh ah looga cunaayo Agoonti lahayd.

Waxaan soo ban dhigi doona dhamaan beertaasi  intay leegayd ee laga rebay 7 baloog oo imikana 7 mid ka midah lajexday  iyo dhamaan xukunadi dhaxalka oo loo joojin wayay  hada  sida darted waxan usoo jedinayaa hayadaha ay khusayso in si degdegah sharciga loo horgeeyo xubnaha afeeyay hantidii umadu lahayd oo  hada usoo dhigtay  dhaxalki agoonta waxakale oo aan baaq udirayaa dhamaan beralaayda laga cunay danti guud oo. waxloogu qabtay jirin  inay haystan hantida danta guud loga jaray ee la cunay biyay ee  wax logu qabanlaa oo ay  udiidaan dadka laga ibiyay hantidi umada ee loogu talo galay in loga  dhiso dugsiyo ama masajido ama malcamdo ama  ama saldhigyo sida darteed  beralaaydu waa inay soo bandhigaan  hantida danta guud ee lacunay intay leegtay iyo inay haystan danta guud ee laga jaray oo ay uhayaan wixii logu tala galay danta guud oo ay eryaan cidkasta oo laga ibiiyay hantidaa umada  waxa jira oo hada uxidhan cawil oo diiday 25 Baloog oo dan.guud  loga jaray marki  la ibiyay oo hada  ku xidhan saldhiga m mooge.

 

 

Qalinkii:  Aqoonyahan Garya. Axmed Maxamed  Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here