Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen

0
18

Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax.

 

Abaaro 4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay una gurmaday Qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale.

 

Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydkii. Baadhista Kiiskana waxaa gacanta ku haya ciidanka Dambi-baadhista.

 

Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka:

  • In Habeenkii La damiyo laydhka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo meel ku haboon.

  • ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab.

 

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskaa Masiibadu ku dhacday, Alle Cawil kheyr Qaba hakasiiyo.

 

Allaa Mahad leh