Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo Muqdisho ka mamnuucay banaanbaxyada.

0
16

Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo Muqdisho ka mamnuucay banaanbaxyada.

Muqdisho, Maarso, 3, 2024 – Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi, ayaa si adag uga hadlay banaanbax khasaare geystay oo shalay ka dhacay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxaas ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo shacab ah oo ay haleeshay rasaas ay ku fureen askar ka tirsan ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

 

Taliyaha ayaa sheegay iney xireen askar loo haysto iney rasaasta ku fureen dadka shacabka ah ee ku banaanbaxaayay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho, islamarkaan baaris lagu wado.

 

Waxaanu yidhi.“Cid walba ee xabbad ku riday dadkii banaan baxayay ee cabashada muujinayay waala xidhay, kiiskaas baadhis ayaa loo diray, haddii Alle idmo waxaan rajayneynaa in Garsoorka iyo Maxkamaddu ku dhammaato kiiskaan”.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay Macallin Mahdi inan la aqbali karin in la dhibaateeyo dadka shacabka ah, isagoona uga digay dadka ku dhaqan Muqdisho inay dhigaan banaanbax aysan ogeyn dowladda.

 

Waxaanu yidhi.”Dadka caadeystay inay magaaladaan ka dhigaan banaanbax rabshado wata waxaan siinayaa digniintii u dambeysay, ma ogolaa karno wixii maanta dhacay oo kale, dhibka ay ka cabanayaan mid ka daran ayey sameeyaan dadkaasi”.

 

Banaanbaxa shalay ka dhacay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid looga cabaanaayay maamulka degmada Wartanabada, waxaana la xaqiijiyay in rasaastii lagu furay banaanbaxayaashii uu ku dhintay hal qof oo ahaa wiil dhalinyaro, islamarkaana ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale.