Nigeria oo ay dhibaato ka haysato qodista macdanta ee sharci-darrada ah

0
40

Nigeria oo ay dhibaato ka haysato qodista macdanta ee sharci-darrada a

 

ABUJA — Dalka Nigeria oo sanado badan xoogga saari jiray dhinaca shidaalka iyo gaaska ayaa haatan si dhow isha ugu haya dhinaca macdanta, si ay u badiyaan meelaha ay ka helayaan dakhliga soo gala dalka.

 

Hase ahaatee waxaa dalkaasi uu weli la tacaalayaa dhibaatooyinka dhinaca deegaanka ee ka dhashay qodista macdanta oo ay ku jirto, kuwa sida sharci-darrada ah loo qoto.