Shiinaha oo ku baaqey in aan siyaasadda Soomaalida la fara-gelin  

0
42

Shiinaha oo ku baaqey in aan siyaasadda Soomaalida la fara-gelin

 

Ergeyga joogtada ah ee dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya si loo gaaro xasillooni siyaasadeed, isbeddel amni, iyo dib-u-dhis dhaqaale iyo mid bulsho.

 

“Dareenka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ee Soomaaliya waa inaan laga leexan, maadaama 2024 uu muhiim u yahay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliyeed, isbeddel amniga iyo dib u dhiska qaranka, ayuu Zhang ka sheegay shirka golaha ammaanka ee Soomaaliya.”

 

Zhang Ju ayaa sheegay in Shiinuhu taageerayo dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal iyo wadatashi iyo horumarinta isbeddelka siyaasadeed.

 

“Waa in la ogaadaa in doorashada nidaamka siyaasadeed iyo tubta horumarka ay tahay arrimaha gudaha Soomaaliya, beesha caalamka waa in ay ku dhaqmaan mabda’a ay Soomaalidu hoggaamiso iyo mid ay Soomaalidu leedahay, lagana fogaado in lagu soo rogo hab dowladeed oo dibaddalaga soo waaarido,”Ayuu yidhi. .

 

Dhanka isbeddelka amniga Soomaaliya, Zhang wuxuu sheegay in beesha caalamku ay tahay inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka taageerto sidii loo xoojin lahaa guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida wajigii hore.

 

“Waa lagama maarmaan in la taageero laamaha amniga Soomaaliya si ay u dhistaan awoodooda si ay ula wareegaan mas’uuliyadda weyn ee amniga”, ayuu raaciyay.

 

Zhang Ju ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga taageero dhaqaalaha iyo dib u dhiska bulshada.

 

Ugu danbeyn ergeyga joogtada ah ee dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa sheegay in dalkiisu soo dhawaynayaa hiigsiga qarniga ee 2060-ka ee ay dawladda federaalka Soomaaliya dhawaan daah-furtay si loo dejiyo hawlo muhiim u ah horumarinta qaranka.