Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Dil Ku Eedaysan

0
52

Hargaysa:-Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Sahal Cali Saleebaan ina Caasha Axmed 29jir ah oo ku eedaysan inuu dhagax laabta kaga dhuftay 18-2-2024 Marxuum Cabdixakiin Cabdiqaadir Ibraahim ina Ayaan Cabdilaahi 14jir ah , goobta uu dilku ka dhacay waa Magaalada Berbera agagaarka Baanka dhexe .

Eedaysanaha ayaa ahaa nin aan maskax ahaan caadi ahayn , Sida Ciidanka Booliska loo sheegay , waxaanu Ciidanku wadaa baadhid-dheeraada.

Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu tacsi u dirayaa ehelka marxuumkaasi .