Madaxweynaha Soomaaliya Muxuu Kusoo Arkay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Somalia

0
39

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaalia Ayaa Ku Adkeeyey Hirgelinta, Horumarinta Shuruucda Dalka Iyo Ladagaallanka Musuqa Iyo Isticmaalka Maandooriyaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Warbixinno Ku Saabsan Qaab Dhismeedka, Hannaanka Shaqo, Qorshaha Furan Ee Dib U Habaynta Iyo Tirakoobka Ciidanka Booliska Ka Dhageystay Qeybaha Kala Duwan Ee Hoggaannada Ciidanka Booliska Soomaalia

Madaxweynaha Xasan Sheikh Ayaa Bogaadiyey Guulaha Muuqda Ee Ay Ku Tallaabsadeen Ciidanka Booliska Ayaa Sarakiisha Iyo Taliskoodaba Ku Adkeeyey In Ay Hirgaliyan Ku Dhaqanka Xeerarka Iyo Siyaasadaha La Dajiyey Si Loo Ilaaliyo Sharafta Ciidanka Iyo Bulshada, Loona Abuuro Iskaashi Sal Adag Leh Oo Qeyb Weyn Ka Qaato Amniga Dalka Iyo Bad Qabka Carruurta Iyo Haweenka