Gudoomiye Saleebaan Oo Amar Ku Siiyey Guddiyada Inay Keenan Xogta Ajendaha

0
48

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana ay ka soo qayb galeen badi xildhibaanada golahaasi, ayaa markii uu furmay guddoomiyuhu waxa u uku wargeliyay xildhibaanada in guddi kasta isku soo duba rido nuxurka doodihii ajandaha.

 

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu faray mudaneyaasha in ay golaha ku horkeenaan muddo 5 cisho ah, guddi hoosaadkastaaana isku soo dubarido nuxurka dooda intii iyaga khuseysa.

 

Intaas kadib guddoomiye Saleebaan ayaa mudaneyaasha golaha ku adkeeyay in maalinta Sabtida ay soo dadaalaan.