Xildhibaanada golaha wakiilada ku matela gobolka Awdal, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in reer Awdal wakhtiga dhufeys laga dhigto.

0
30

Xildhibaanada golaha wakiilada ku matela gobolka Awdal, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in reer Awdal wakhtiga dhufeys laga dhigto

 

Sidoo kale waxa ay sheegeen in xukuumadda Somaliland, si badheedha u horjoogsatay jidka Borama iyo Lowyacado.

 

Xildhibaan ayaa sheegay in masuuliyiintii shalay hadlay aanay reer Awdal ku matelin, hadaladii ay warbaahinta mariyeen, yihiina kuwa shalay Gorayacawl ka celiyay Ugaaska guud ee beelaha Samaroon

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in xeerku uu dhaqangalyahay, haddii uu madaxweynuhu saxeexi waayana uu goluhu awood ku dhaqangalin doono.

 

Waxaanu yidhi.”Haddii uu saxeexi waayo madaxweynuhu intaanu saxeexno ayaanu faafin rasmi ah ku samayn doonaa, waxaan leeyahay uma danaynaysaan Awdal intii shalay halkaa ka hadlaysay, waxay u socdaan in ay dadka reer Awdal iyo isbahaysiga ay isku dhuftaan”.

 

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa isna guul taariikhi ah ku tilmaamay codadka aqlabiyada ah ee Golaayasha Wakiilada iyo Guurtida Somaliland ay ku meelmariyeen xeerka guud ee doorashooyinka.

 

Waxaanu yidhi.”Qodobka sheegaya 20% maaha mid hadda la curiyay, waa mid la sameeyay 2000, oo doorashadii 2002 lagu galay, 2012 kiina kaas ayaa lagu galay, maxaa cusub?”.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo saraakiil kale oo Awdal kasoo jeeda ayaa shalay diiday xeerka cusub, iyaga oo ka biyo diiday qodobka sheegaya in 20% codadka guud ay ururadu helaan si ay xisbiyo u noqdaan, waxayna rabaan in qodobka laga dhigo hal dheeri.

 

Golaha Guurtida ayaa sidookale cod aqlabiyad ah xeerka ku meel mariyay shalay, xukuumada, xisbiga UCID, ururka Hillaac iyo ururo kale ayaa doonaya codka hal dheeriga ah, halka WADDANI iyo Kaahna ay rabaan 20% ka.