Waxyaabihii Ku Cusbaa Ansixinta Xeerararka Doorashooyinka Ee Golaha Wakiilada

0
31

Fadhigii saaka ee golaha wakiillada JSL, oo uu shir-guddoominayay gudoomiyaha Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon, ayaa markii uu fadhiga goluhu furmay, waxa uu xildhibaanada ku wargeliyay in la ansixinayo xeerarkii isa-saarka doorashooyinka.

 

Fadhiga golaha oo ay ka soo xaadireen 73 Mudane, Guddoomiye Fartoon, ayaa codgeliyay xeerka ururada iyo asxaabta siiyaasada Xeer Lr.14/2023, isla markaasna ku dhawaaqay natiijadii codeynta 59 xildhibaan, 12 mudane ayaa diiday, cid ka aamustayna majirto, guddoomiyuhuna mu codeyn sidaas ayuu ku ansaxay.

 

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu codgeliyay Xeer Lr. 91/2023 58 Mudane ayaa ogolaaday, 12 Mudane ayaa diiday, cidka aamustay majirto, guddoomiyuhuna mu codeyn sidaas ayuu ku ansaxay.

 

Xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland, ayaa xeerarkan isa saarka doorashooyinka ugu codeeyay sidii uu golaha guurtida kaga soo gudbay, kadib markii shalay ay cod aqlabiyada ku meel mariyeen golaha guurtidu.

 

Markii codeyntu dhammaatay xildhibaano kala duwan ayaa soo dhaweeyay meelmarinta xeerarkaasi, waxaanay ku tilmaameen guul u soo hoyatay Qaranka JSL.