“Muuse Biixi reer Awdal waxba lama rabo ee doorashada ayuu ka meeraysanayaa dalkana doorasho ayuu rabaa” Cabdilaahi Dheere

0
29

“Muuse Biixi reer Awdal waxba lama rabo ee doorashada ayuu ka meeraysanayaa dalkana doorasho ayuu rabaa” Cabdilaahi Dheer

 

Hargeysa – Waxa soo badanaaya siyaasiyiinta reer Awdal ee dhaleecaynaaya madaxweyne Muuse Biixi sheegaayana in aanu daacad ka ahayn in uu dooraho dalka ka qabto isla markaana aanu reer Awdal waxba la rabin.

 

“Madaxweynuhu hadii uu reer Awdal wax la jecelyahay oo ay daacad ka tahay ha ka soo sharaxo qof macquul ah oo reer Awdal ah xisbiga Kulmiye ee uu ka sii dhaadhacaayo, sidaasi waxa yidhi siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo ka soo jeeda gobolka Awdal xilal dhowr ahna ka soo qabtay Somaliland.”

 

Cabdilaahi Dheere oo waraysi siiyay MM TV, waxa uu madaxweynaha ku sheegay nin xilalkii mihiimka ahaa beeshiusa dhexe ku taxay wixii qalinkiisa ku xidhnaa ugumu qaban gobolka Awdal, waxan uu hada wadaa waa meeraysi iyo in aanu doirasho qaban.

 

Waxana uu Cabdilaahi Ibraahim Habane sheegay in maanta uu dalku u baahan yahay doorasho si degan oo amni ah loo qabto oo xalaal ah markaa cidii Ilahay u qoro ee soo baxda ayaa hagaajin wixii xumaaday.

 

Waxana uu sheegay in reer Awdal ay ku kala jiraan xisbiyada sida Issaquba ay ugu kala jiraan xisbi kasta iyo ururadaba loomana baahna maanta cid Kooto mar marsiiyo ah wax loogu xidhe ee waxavuu dalku u baahanyahay doorasho si looga saaro xaalada adag ee dalku uu ku jiro.

 

Waxa uu Cabdilaahi Ibraahim Habane, uu dhaliilo aad u culus uu dusha ka saaray madaxweyne Muuse Biixi oo uu ka codsaday in uu doorasho degan dalka ka qabto si ay taariikhdu u xusto