“Waan Hambalyaynayaa Guddoomiye Saleebaan, Xasan Sheekhna wuu is Deldalayaa marka Lagu Dhawaaqo Ictiraafka Somaliland”

0
34

“Waan Hambalyaynayaa Guddoomiye Saleebaan, Xasan Sheekhna wuu is Deldalayaa marka Lagu Dhawaaqo Ictiraafka Somaliland

 

Hargeysa, January, 20, 2024- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa guddoomiyaha Guurtidda ku boggaadiyay inuu taageeray xeerkii goleyaasha baarlamaanku ansixiyeen.

 

Guddoomiyaha UCID wuxuu si sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) ka, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa:-

 

“Maanta waxaan Hambalyo iyo mahadnaaq u dirayaa Saleiman Nuur Guddoomiyaha Guurtidda sida Odaynimada iyo xilkastanimada leh ee uu xeerkii badbaado qaran u Difaacay. ”

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aanu caafimaad ahaan dhammayn oo ay buro ka soo baxday maskaxda

 

“Wuxuu is deldalayaa marka isfahamka la saxeexo ee Ethiopia ku dhawaqdo Ictiraafka Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.