Ujeedada Safar Madaxweynaha Kenya Ku Tegay Aqalka Cad ee Maraykan

0
22

UPDATE: Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa booqasho rasmi ah (State Visit) ku tagaya Aqalka Cad, taa oo ka dhigaysa hoggaamiyihii u horreyay ee Afrikana oo booqashada ugu heerka sarreysa ku tagaya Mareykanka tan iyo sannadkii 2008-dii.

21 qori oo salaam sharaf ah iyo soo dhawayn ciidan oo rasmi ah ayaa lagu soo dhaweyn doonaa Ruto.

 

Booqashada oo billaabanaysa 23, May ee sannadkan, ayaa tilmaam u noqonaysa xiriirka Mareykanka iyo Kenya. Waxaa kalo booqashadan lagu sheegay in lagu xusayo 60 sanno-guurrada xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.