MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HORDHIGAYA MADAXDA MIDOWGA AFRIKA MOWQIFKA SOOMAALIYA EE KU AADDAN XADGUDUBKA ITOOBIYA

0
26

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HORDHIGAYA MADAXDA MIDOWGA AFRIKA MOWQIFKA SOOMAALIYA EE KU AADDAN XADGUDUBKA ITOOBIYA

Feberaayo 16, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli Dona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

 

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

 

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.

 

DHAMMAAD

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Twitter: @TheVillaSomalia