Qiso la yaableh oo ku dhacday Wariye Ismail buurgaabo .

0
23

Qiso la yaableh oo ku dhacday wariye Ismail buurgaabo

 

Abaaro fiidkii ayaanu isla cashaynay aniga iyo isaga iyo abdulahi salxan iyo mahamed iraaq, kadibna waxaanu kusoo kala tagnay nabad oo isaga iyo abdulahi ayaa isasoo raacay aniga iyo mahamedna waa isasoo raacnay.

 

Waxay ku leexdeen pharmacy wuxuuna kudhahay niyoow Elergic baan leeyahay caawana inuu igu kacsanyahay baad moodaye waxaad isiisaa kininkaas ama madama aan in badan isticmaalay kiniinkan Almetamin ka ah waxaa laga yaaba inaan laqabsi sameeyo ee bal ii badala oo mid Alergic ah isiiya.

 

Waxay isiiyeen kiniin kadibna waxaan tagay gurigaygii waanan liqay kiniinkii waxaanan iska daawanayay ciyaar madama ay Realmadrid ciyaaraysay, waxyar markaan fadhiyay unbuu miyirkii iga tagay mopelkii aan gacanta kuhayay iga dhacay, waxaan isdhahay bal istaag waanan dhacay qab.

 

Gabadhaydii baa igusoo oroday aragtay xaalkayga iyo dhididka jidhkayga qooyay way khalkhashay waxa igu dhacay waxay istidhi ma mas baa qaniinay waa maxay dhididkan iyo hadalkan aan kasoo baxaynin.

 

Waxaan rabay inaan kudhaho kiniin baan liqay laakiin ma awoodin hadalka, gabadhaydu madana ay ahayd qof wax bartay kiniinkii bay eegtay waxayno ogaatay inuu yahay kiniinkii dadka macaanka halista ah leh lasiiyo waxayna lasoo oroday bahashii macaanka lagu cabirayay madama ay guriga taalay wayna eegtay intay dhiig iga qaaday misna aragtay sonkortaydii oo dhacday oo 50 gaadhay.

 

Markiibay oroday sonkor afka igu shubtay caano wado sonkor ah ii qastay dib usoo celisay sonkortaydii, allah ayay mahadi usugnaatay ayna noqonin taydii caawa waxaanse galay halis oo waxyar hadii aan sii joogi lahaa wadnaha unbaa i istaagilahaaye bal kawaran iyadooyna xaaskaygu ila joogin ama ay kudhici lahaydba qof aan waxba akhrin karin?

 

Qisadoo dhamaystiran bari ayuu idiinka sheekayn doonaa isha allah wuuna noolyahay wuuna fiicanyahay oo hada ayaanu dhaqtar ka keenay. Dadkeena dhibkaas ayaa haysta inta geelii laga keeno ayaa pharmacy loo furaa misna ladhahaa tani waa sidan tana waa sidan.

 

Gabadh wax baratay buu ilahay ubixiyay caawa alxamdulaah.🙏

 

WQ: Abdi barud