Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka Oo Sheegay Inay Suura Gal Tahay Xabad Joojin Gaza ka dhaqan Gasha

0
30

UPDATE: Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Antony Blinken ayaa sheegay inay wali suragal tahay heshiis xabbad-joojin ah oo ay gaaraan Xamaas iyo Israa’iil, balse wuxuu muujiyay shuruudaha labada dhinac inay yihiin kuwa adag, isagoo intaa ku daray inay Mareykanka ka go’antahay awoodiisa oo dhan inuu isugu geeyo heshiis la gaaro.

 

Wadahadallo ay ku lug lahaayeen Masar, Qatar, Israa’iil iyo Mareykanka ayaa todobaadkan ku dhammaaday Qaahira, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.