Qaab-dhismeedka heshiiska Paris ee Israaiil Iyo Falastiin

0
29

Qaab-dhismeedka heshiiska Paris ee Israaiil Iyo Falastiin

Inta ay socdeen wada-hadallada Paris , ayaa la isku raacay heshiis ka kooban saddex marxaladood in loo bandhigo Xamaas, sida ku cad wajiga koowaad ee heshiiska wuxuu noqonaya 45 maalin oo xabbad-joojin ah oo ay Xamaas ku sii deynayso 35 illaa 40 maxbuus , oo u badan dumar iyo ragga da’doodu weyntahay, waxaa dheer illaa 60 ka mid ah maxaabiista oo xaaladooda caafimaad ay liidato.

 

Inta marxaladaa lagu jiro tiro badan oo Falastiiniyiin ah ayay sii deyn doonta Israa’iil, balse lama sheegin lambarkooda, halka gargaar dheeraad ah uu tagayo Qasa. Sidoo kale , wali lama soo bandhigin nooca heshiiska labada marxaladood ee kale , oo la sheegay in lagu muujin doono heshiiska marxaladda koowaad.

 

Hadda Israa’iil iyo Xamaas, ayaa gudbiyay jawaabtooda heshiiska oo aan wali si rasmi ah loo shaacin, wallow ra’iisul wasaaraha Qatar saacado ka hor uu sheegay “jawaab yadadiilo leh”, inay ka heleen Xamaas oo wadatashiyo waqti dheer qaatay ka yeeshay qaabdhismeedka heshiiska. Marka u dambeysa ee la shaaciyo heshiiska ayaa la oggaan doona qodobbada la isku raacay.