“Way Imanaysaa Maalinta Rasmi Ahaan loo Aqoonsanayo Somaliland

0
34

“Way Imanaysaa Maalinta Rasmi Ahaan loo Aqoonsanayo Somalilan”

 

“Somaliland waa dal fajiciso ah oo leh dadka ugu wanaagsan adduunka” Goldsmith

 

Wasiirka Arrimaha Dibada UK David Cameron oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay waddan mucjiso ah oo ay tahay in la aqoonsado

 

Wasiirul dawlihii hore ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska, XIldhibaan Goldsmith, ayaa sheegay inuu ku diirsaday in Wasiirka Khaarajiga UK David Cameron uu muujiyay inuu danaynayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal Afrikaan ah oo muhiimad ballaadhan leh.

 

Wargeyska Express ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u dambeeyay daabacayay qormooyin uu kaga hadlayo in Ingiriisku aqoonsado Somaliland, ayaa sheegay in UK ay dul hogganayso wax uu ku tilmaamay duruuro culaysyo ah oo dawladda UK lagu boorinayo ‘inay qaado tallaabada saxda ah’ isla markaana ictiraafto Somaliland oo ahaan jirtay maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray maadaama oo Somaliland qayb ka noqon karto xalka xasaradaha ka oogan mandaqada badda cas iyo gacanka cadmeed.

 

Goldsmith ayaa sheegay inay Somaliland hirgelisay xasilooni iyo dimuqraadiyad, waxaannu yidhi: “Iyadoo mushkiladaha mandaqadu badan yihiin, Somaliland waa dal xasiloon oo dimuqraadi ah oo fajiciso ah oo leh dadka ugu wanaagsan adduunka. waxay u taabogaleen arrimaha ay qabsadeen iyadoo ay ku xeeran yihiin oo ay la jaar tahay dalal argagixiso iyo qas hadheeyay.”

 

“Way iman doontaa maalinta rasmi ahaan loo aqoonsan doono Somaliland oo ileyskeeduna caalamka oo dhan gaadhi doono,” ayuu yidhi Goldsmith.

 

Wargeyska Express waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibada UK David Cameron laga soo xigtay in ay habboontahay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal mucjiso ah oo Afrikaan ah si loo dhammeeyo xasaradaha badda cas.

 

Warsiduhu waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ahayd dalkii 17aad ee Afrika ee gumaysataha ka qaatay madax-bannaanida oo Ingiriisku siiyay 26kii June 1960kii, waxana ay xornimadoodii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, iyadoo aqoonsi u raadinaysay qarannimadeeda 33kii sannadood ee la soo dhaafay.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray in heshiiska is faham ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya uu meesha ka saarayo caqabadii aqoonsi la’aanta ee haysatay Somaliland, iyadoo Itoobiya noqon doonto dalka koowaad ee aqoonsada Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

 

Saaxiibbada caalamiga ah ee Somaliland ayaa Wargeyska Express u sheegay in deganaanshaha, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda haweenka ee ka jirta Somaliland ay gabi ahaanba tahay waxa ay kaga duwan tahay Soomaaliya oo ah dal guul daraystay oo ay ka jiraan argagixiso iyo budhcad baddeed, taasi oo haddana weli sheegata inay Somaliland ka mid tahay dalkeeda.

 

Qore: Cumar Maxamed Faarax