Waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababtoo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya”

0
31

UPDATE: Saacado kaddib hadalkii Madaxweyne Xasan ee uu kula hadlay maamulka Ra’iisul wasaare Abiy ee heshiiska badda, isagoo markaa soo bandhigaya waddada ay ku wada-hadli karaan si xiisadda loo dejiyo; “Itoobiya , waxaan leeyahay damaca dhulkan qaar goosanaya ka imow , maalintad ka timaado waxa ka soo haray waan ka heshiinayna … Dawladda Itoobiya waxan leeyahay faraqa noodaaya.”

 

Ra’iisul wasaare Abiy, wuxuu hortag maanta Baarlamaanka , isagoo markaa u muuqda inuu ka jawaabayo hadalka Madaxweyne Xasan , wuxuu yiri; “Waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababtoo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo..Ma dooneyno inaan dagaallano. Waxaan dooneynaa Soomaaliya oo xooggan oo barwaaqo ah oo suuq u ah badeecadaha Itoobiya.” Laakin wuxuu ka digay in dhinacyo saddexaad ay rabaan inay u adeegsadaan xisadda si ay u huriyaan colaad, isagoo marna aan soo qaadin , si loo wada-hadlo waxa ay ka dooneyso Soomaaliya inuu sameyo, taa beddelkeeda wuxuu ku celiyay inay Itoobiya qasab tahay oo ay mudnaanta siinayso inay hesho bad.