Xildhibaan ka aqlabiyadda Congress ka Maraykanka oo guddida anshaxa ee golaha ugu baaqay in ay baadhaan gefka Ilhaan Cumar

0
25

Xildhibaan ka aqlabiyadda Congress ka Maraykanka oo guddida anshaxa ee golaha ugu baaqay in ay baadhaan gefka Ilhaan Cuma

 

Xildhibaanka aqlabiyadda golaha Congress ka dalka Maraykanka Tom Emmer ayaa guddida anshaxa ee Congress ka ugu baaqay in ay si qotodheer u baadhaan hadalladii deelqaafka ahaa ee ay horraantii toddobaadkan jeedisay xildhibaan Ilhaan Cumar, kuwaas oo ku saabsanaa Somalia.

 

Mr Emmer ayaa daliishaday muuqaal si weyn u faafay, kaas oo muujinaya hadal afsoomaali ahaa oo ay Ilhaan Cumar ka jeedisay magaalada Minneapolis, kaas oo ay kaga hadashay teegeeradeeda dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Tom Emmer ayaa warqad rasmi ah u qoray guddoomiyaha guddida anshaxa ee Congress ka Michael Guest, iyo xildhibannnada kale ee ugu sarreeya xisbiyada Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga, oo ay ka mid ahaayeen; kuwo laga soo doorto gobollada Mississippi iyo Pennsylvania.

 

Xildhibaannada ayaa sheegay in xubintan Congress ka ka tirsan gaar ahaan “Bidixda fog” ay sheegtay hadal ay ku tilmaameen “Erayo argagax leh” oo ay daacadnimo iyo taageero ugu muujinayso danaha Soomaaliya. Xildhibaan Tom Emmer ayaa sidoo kale Ilhaan ugu baaqay in ay is casisho.

 

Mr Emmer waxa uu warqaddiisa ku sheegay in xildhibaan Ilhaan aanay tixgelinnin dhaartii ay u dhaaratay dalka Maraykanka, isla markaana uu ahaa wax laga naxo oo aan u qalmin wax ay ku hadasho xubin si rasmi ah ay u doorteen dadka Maraykanku. Waxa uu intaa ku daray; in hadalkeedu ” Xushmad darro iyo liidasho ku ahaa aqalka wakiillada ee Maraykanka” sida oo kale na uu dhirbaaxo wejiga lagaga dhuftay ku yahay dadka reer Minnesota ee ay metelayso.

 

Xildhibaan Tom Emmer ayaa qoraalka uu guddida anshaxa ee golaha u gudbiyay ku yidhi “Hadalka Ilhaan ee ah in Somalia ay wax walba ka horraysiinayso, waxa uu cambaar ku yahay wejiga dadka ay metesho ee reer Minnesota. Waxa loo doortay in u shaqayso iyaga, sidaas darteed ha is casisho haddii ay xishiinayso”

 

Sida uu soo xigtay wargayska The Washington Times, xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa isku dayday in ay eedahaas caddaymaha leh iska fogayso, iyada oo ku andacootay in ay daacad u tahay dalkeeda Maraykanka.

 

Hadalkan xanafta leh ee ka baxsan sharciyadda ay u dhaaratay ee Maraykanka ayaa waxa toosh ku qabatay dunidana u iftiimisay Ambassador Rooda Jaamac Cilmi Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland sida ay qortay shebekedda The Washington Times.