Ciidanka Booliska Oo Berbera Ku qabtay Arrin Yaab Noqotay

0
28

Ciidanka booliska magaalada Berbera ayaa soo qabtay 58 xabo oo Khamri ah, waxaana saaka ay xukun ku riday maxkamadda degmada Berbera eedaysanayaashi lagu soo qabtay oo ah laba haweena.

 

Eedaysanayaasha Khamrigan lagu soo qabtay ayay boolisku magacyadooda ku sheegeen, Caasha Cabdi Maxamed ina Canab Nuur 40jira waxa lagu xukumay 5 sano xadhiga iyo Ruqiya Jaamac Axmed ina Xaawo Cali 55-jir ah, waxaana lagu xukumay 7 sano oo xadhig ah.

 

Geesta kale warka ka soo baxay taliska booliska ciidanka Berbera ayaa lagu sheegay in dhammaan la burburiyay 58 xabo ee khamriga ahaa.

 

Gaba-gabadii waxa uu Taliska Ciidanka Booliska JSL digniin u diray dadka caadaystay ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo Xashiishada, waxaanu ku booriyay inay ka waantoobaan.