Madaxweynaha Somalia Oo Shir Amniga Ku Saabsan Imaaraadka Kaga Qayb Galay

0
26

Abu Dhabi, Jannaayo 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada, taas oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shirka Amniga Soomaaliya, kaddib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday dalka, kaas oo loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

 

DHAMMAAD

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so