Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhex Maray Golaha Wakiilada Somaliland

0
25

Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada oo ku gudo jirta Diyaarinta Odoroska Miisaniyadda ayaa maanta waxa ay kulan la qaateen Shir-gudoonka Golaha Wakiilada iyaga oo Shir-gudoonka warbixin ka siiyey shaqadii u qabsoontahay muddadii ay gacanta ku hayeen Miisaniyadda.

 

Dhanka kale Guddida dhaqaalaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa maanta ka dhagaystay falanqayn ay ku sameeyeen Miisaniyadda 2024-ka Macadka ISIR Think-tank oo ah Urur maxali ah oo ay sameeyeen qaar kamida Aqoonyahanka Somaliland.