Ninka ugu taajirsan Dunida Muxuu ka Yidhi Hadalladii Muranka Dhaliyey ee Ilhaan Cumar?

0
36

Ninka ugu taajirsan Dunida Muxuu ka Yidhi Hadalladii Muranka Dhaliyey ee Ilhaan Cumar

 

Ilhaan Cumar oo 27-kii bishii dhamaatay hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri hadal muran wayn dhaliyay.

 

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan,” ayaa kamid ahayd khudbadda ay jeedisay Ilahaan.

 

Hadalkeeda ka dib waxaa bilowda mawjado falcelin ah oo qaar badani kasoo baxayaan dad saameyn ku leh Maraykanka iyo siyaasaddiisa.

 

Elon Musk – ninka ugu taajirsan adduunka isla markaana Maraykan ah balse asal ahaan kasoo jeeda Koonfur Afrika ayaa ka mid ah isaga oo calaamadda layaabka uga felceliyay muqaalka khudbadda.

 

Balse muuqaalo hore oo ay Ilhaan khudbado kalo duwan jeedineysay, kuwaas oo dib loogu soo celiyay baraha bulshada ayuu ka dhiibtay fikir.

 

Qaybta falcelin ee mid kamid ah muuqaaladaas ayuu Elon Musk ku qoray: “Maraykanka ama dal kale. Mid dooro”.

 

Qoraal kale wuxuu ku leeyahay isaga oo ka fal celinaya hadalkeeda oo afka Ingiriiska lagu turjumay, “uma eka in ay daacad u tahay Maraykanka”.

 

BBC News Somali