Koonfur Afrika oo soo dhaweysay go’aan lagu joojiyay xaraashkii alaabahii Mandela.

0
28

Koonfur Afrika oo soo dhaweysay go’aan lagu joojiyay xaraashkii alaabahii Mandela.

Wasiirka Ciyaaraha, Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Koonfur Afrika Zizi Kodwa, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Shirkadda Xaraashka ee Guernsey ku joojisay in ay iibiso alaabihii uu iska lahaa Nelson Mandela.

 

Hay’ada Dhaxalka ee Koonfur Afrika (SAHRA) ayaa sheegtay in go’aanka joojinta iibka la gaadhay kadib markii hay’addu wadahadal la gashay shirkadda Guernsey iyo Makaziwe Mandela.

 

Wasiir Kodwa waxa uu yidhi. “Waxaan soo dhaweynayaa wada shaqaynta hay’adda SAHRA iyo shirkadda Guernsey kaas oo keenay joojinta iibka alaabo uu iska lahaa madxaxweynihii hore Nelson Mandela.

 

Arrintaan waxay fududeyneysaa in kiiska sharciga ah la soo gaban gabeeyo”.