Masuuliyiinta xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Oo Isa Soo Dhaweeyey

0
30

Masuuliyiinta xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa xafrunta xisbigaas kulan kula yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada Degmada 26-ka June ee caasimadda Hargeysa.

 

Kullankaas dhex maray masuuliyiinta xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo qaar ka mida dhallinyarada ku nool degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa ayaa ahaa mid isugu jiray is-xograwysi iyo dar-dargelinta hawlaha shaqo ee xisbigaas, gaar ahaan degmada dhalinyaradaasi ka socdeen.

 

Waxa kullankaas ka hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Kulmiye kuwaas oo dhallinyarada degmada 26-ka Juun ku bogaadiyay dadaalka ay la bar-bar taagan yihiin xisbigaas.

 

Geestoodana qaar ka mida dhallinyarada degmada 26 Juune ee kullankaas ka qayb-galay ayaa sheegay in sii wadi doonaan garab-istaaga iyo taageerada ay u hayaan xisbiga Kulmiye.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa wuxuu dhallinyarada degmada 26 Juune uu uga mahadceliyeen kaalinta ay kaga jiraan xisbigas, waxaanuu tilmaamay in degmadaasi ka mid tahay kuwa ugu fir-fircoon.