Komishanka Doorshooyinka Somaliland Oo War Kasoo Saray

0
23

WAR-SAXAAFADDEED:

 

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxaa uu beeninayaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada ee lagu sheegay in la iibinayo xarunta guud ee KDQ.

 

Sidaa daraadeed KDQ wuxuu ku wargelinayaa guud ahaan bulshada iyo saxaafadda JSL ba in warkaasi yahay wax-ba-kama-jiraan, waxaanu ku boorinaynaa innay ka fogaadaan falkinta iyo faafinta wararka been-abuurka ah.

 

Allaa Mahad Leh