Danjireyaasha Itoobiya u Fadhiya Maraykanka, Canada iyo Shiinaha oo Taageeray isfahamka ay la galeen Somaliland

0
25

Danjireyaasha Itoobiya u Fadhiya Maraykanka, Canada iyo Shiinaha oo Taageeray isfahamka ay la galeen Somaliland

Qore: Cumar M. Faarax

Addis Ababa – Danjireyaasha caalamka u fadhiya Itoobiya, ayaa sheegay in heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu waxtar weyn u leedahay labada dal iyo waddamada mandaqada.

Sidaasna waxa sheegay Safiirrada Itoobiya u fadhiya dalalka Maraykanka, Canada iyo Shiinaha oo u warramay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

Danjiraha Itoobiya u qaabilsan Canada Mr. Fitsum Arega, ayaa tilmaamay ahmiyada iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya oo uu xusay inuu labada dhinac u horseedi doono horumar dhaqaale.

“Isfahamka iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya waa mud faa’iido badan u leh labada dal iyo kuwa gobolkaba. Mana aha mid dhibaato u leh dal kale, waana mid ku dhisan isdhexgalka iyo wax wada qabsiga Afrika,” ayuu yidhi Safiirku. Waxaanu intaas ku daray in Itoobiya ay maalgashan doonto dalal badan oo gobolka ku yaalla Jabuuti, dekedda Berbera ee Somaliland iyi dekedda Lamu ee Kenya.

Sidoo kalena Safiirrada Itoobiya ee Maraykanka iyo Shiinaha,Seleshi Bekele iyo Tefera Derbew ayaa soo dhaweeyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya wada gaadheen 1dii January, kaasi oo Somaliland Itoobiya ka kireysay 20km oo xeebteeda ka tirsan oo ay ka dhigtaan saldhig millatari oo badda ah, iyadoo Itoobiyana ay noqon doonto dalka u horeeya ee shaaciya aqoonsiga Somaliland.