Hoggaamiyaha Shiinaha Oo Madaxweynaha Maraykanka U Balkan Qaaday In Aanay Faro Gelin Doonin Doorashada

0
31

UPDATE: Hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa u sheegay Madaxweynaha Mareykanka,Joe Biden in Shiinuhu uusan faragelin doonin doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024-ka, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka ah ee CNN.

 

Arrintan waxay muujinaysa sida saraakiisha Mareykanka ay weli uga walaacsan yihiin faragelinta doorashada wixii ka dambeeyay 2016, markii hay’adaha sirdoonka Ruushka ay jabsadeen guddiga Qaranka ee Dimuqraadiga oo ay sii daayeen iimayl si ay u waxyeeleeyaan ololihii madaxtinimada ee Hillary Clinton. Tan iyo markaas, Iran, Cuba iyo Shiinaha ayaa dhammaantood ku hawlanaa isku dayga in ay saameyn ku yeeshaan doorashada Mareykanka, sida ay sheegayaan warbixinnada sirdoonka Mareykanka. In kasta oo dadaalladaas midkoodna aanu gaarsiisnayn hawlgalkii Ruushka ee 2016kii.