Somaliland ayaa Ilhaan Cumar ku eedaysay in ay si weyn ugu lug lahayd Dagaalkii Laascaanood.

0
34

Somaliland ayaa Ilhaan Cumar ku eedaysay in ay si weyn ugu lug lahayd Dagaalkii Laascaanood

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sidani sheegay.

 

“Ma aha markii ugu horeysay oo Ilhaan Cumar ay colaad ka dhex abuurto Soomaalida. Waxay si weyn ugu lug lahayd colaaddii ka dhacday Laascaanood.

 

Bishii December 2022, waxay booqatay Garoowe, halkaas oo ay u gudbisay qaar ka mid ah madaxda Soomaalida xog la xidhiidha kulan dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo guddiga arrimaha dibadda ee Congress-ka Mareykanka oo ay xubin ka ahayd xilligaas. Waxayna ku boorisay madaxda Soomaalida

in sida ugu dhaqsaha badan loo qaado tallaabooyin ka dhan ah Somaliland. Muddo bil ah ka dib ayaa waxaa magaalada Laascaanood ka qarxay dagaal beeleed.

 

Waxa hubaal ah inay ka mid ahayd jilayaasha ugu waaweyn ee nacaybka iyo kala qaybinta Soomaalida ka dhex abuuray.

Marka waxaa la joogaa waqtigii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladkeeda.”