Hooyo iyo 7 Ciyaala oo Ay dhashay oo Marti u Ah Gidaarada Hargeysa iyo Qaylo-dhaan ay Bulshada U Dirtay

0
30

Hooyo iyo 7 Ciyaala oo Ay dhashay oo Marti u Ah Gidaarada Hargeysa iyo Qaylo-dhaan ay Bulshada U Dirta

Hargeysa – Todoba Ciyaal ah iyo hooyadood oo xanuusanaysa ayaa muddo 20 habeena u hoyday gidaarada magaaladda Hargeysa, kadib markii laga soo saaray hoygii ay deganaayeen oo ay tahli kari wayday inay kirada iska bixiso, qofka aan ka hadlayaa waa Hooyo Niciima Haybe Cabdillaahi, oo la il daran xanuunka macaanka , mid ka mid ah caruurta ay dhashayna uu wadnuhu daloolo oo ay u wayday goob lagu dabiibo, laguna wargaliyay inay u qaado dalka dibediisa, iyadna waxa ay baadi goobaysaa meel ay kaga gabadaan dhaxanta iyo cadeeda.

Hooyo Niciima Haybe Cabdillaahi, 4-tii habeen u danbeeyay waxa ay iyada carruurteedu jiifeen dayrka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Qoyska horteeda oo ay deganaayeen hoyna u ahaa, iyada oo ay naawilaysay inay la kulanto wasiirka wasaaradaasi Cali Xoor Xoor si ay ula wadaagto waayaheeda nololeed, balse may suurto galin oo waa ay gaadhi wayday wasiirka

Sidoo kale Hooyadan dibad wareega ah ayaa sheegtay in muddo laba iyo toban habeen ah ay hor seexdeen xarunta Dawladda Hoose ee Hargaysa, oo ay door bidaysay in ay naxariis Bini’aadanimo ka hesho Maayirka Hargaysa, balse nasiib daro isna may gaadhin oo waxa qanciyay shaqaalaha ka hooseeya Maayirka.

Hooyo Niciima Haybe Cabdillaahi waxa y si naxariis leh uga codsanaysaa bulshada muslimka ah iyo cid kasta oo nolosheeda wax ka gaysan karta inay soo caawiyaan oo ay ka taageeraan hoy ay iyada iyo caruurteedu ku hoydaan, iyo in caafimaadka wiilka yar iyo caafimaadkeeda wax lagala qabto.

Hooyadan iyo ciyaalkeeda ilaa hadda waxa hoy u ah habeenba gidaarkii ay amni bidaan haddab ciddii ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa hakala xidhiidho telefoonkeeda gacanta, 0638189584