DEG DEG Shirkii Guurtida iyo Wakiilada oo lagu kala kacay, natiijo la’aana kusoo dhamaaday.

0
33

DEG DEG Shirkii Guurtida iyo Wakiilada oo lagu kala kacay, natiijo la’aana kusoo dhamaaday

 

Kulamadii labadii maalmood ee u danbeeyay u socday shirgudoonka labada gole baarlamaan Somaliland ee ay kaga arinsanayeen muranka sharci ee la xidhiidha xeerarka doorashooyinka, ayaa lagu kala kacay, la iskuna af garan wayay shirkii u danbeeyay.

 

Kulanka oo maanta ka dhacay guriga gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayna ka qayb galeen shirgudoonka labada dhinac ayaa la isku fahmi waayay qodobada dhinacyadu kala wateen.

 

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac balse ila ka ag dhaw shirka ayaa xaqiijiyay in sababta la isku fahmi wayay ay tahay in gudoomiye saleebaan uu ku doodaya in la qaato soo jeedinta xeerkooda ama isku dhaf la sameeyo, kuna wargaliyay Wakiilada inay gudo gali doonaan hawshaas todobaadka soo socda.

 

Dhinaca kale shirgudoonka Wakiilada ayaa ka biyadiiday qorshaha gud. Saleebaan, kuwaas oo iyaguna wata qorshe ah in la isku raaco xeerkii ay Madaxwaynaha u gudbiyeen, soona jeediyay in ay Madaxtooyada isku raacaan iyagoo heshiis ku ah xeerarkaas kana dalbadaan Madaxwaynaha in uu saxeexo balse doodaasi Saleebaan ayaa ganafka ku dhuftay.

 

Samraawi Media