Dagaalka Qasa ayaa galay maalintiisii 100-aad

0
25

UPDATE: Dagaalka Qasa ayaa galay maalintiisii 100-aad , iyadoo xilli horaba loo diiwaangeliyay kii ugu dhiig daadinta badnaa uguna khasaaraha badnaa taariikhda tobannaankii sanno ee u dambeysay.

 

Khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ay soo aruurisay wakaaladda wararka AP;

 

Dhimashada

 

•Falastiiniyiinta lagu dilay Qasa; 23,708

 

• Israa’iil waxay dhankeeda sheegtay in laga dilay 1,300

 

• Falastiiniyiinta lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto: 347

 

Burburka Qasa;

 

•Dhismayaasha Qasa ee lagu burburiyay duqeynta Israa’iil ; 45-56 %

 

Isbitaallada Qasa ayaa qayb ahaan shaqaynaya: 15 ka mid ah 36 isbitaal oo ku yaalay, taa oo ka dhigan kala bar inay joojiyeen adeegyada, xilli ay wajahayaan taariikhda dhaawacyadii ugu badnaa.

 

•Dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ayaa wajahaya “gaajo iyo xaaladda bani’aadanimo midda ugu liidata, iyadoo qofkii Qasa jooga uu kaliya hal waqti wax cuno.

 

• Iskuullada ay Israa’iil burburiy ee Qasa ayaa lagu qiyaasay 69%.

 

•Masaajidda burburay: 142

•Kaniisadaha burburay: 3

•Ambalaasta waxyeelo soo gaartay: 121

•Ardayda dugsiga ka maqan: 625,000

 

•Dhaawacyo

 

•Falastiiniyiinta Qasa: 60,005

•Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto: in ka badan 4,000

•Wadarta dhaawacyada Israa’iil: 12,415

•Askarta Israa’iil ayaa dhaawacmay tan iyo 7, Oktoobar: 2,496

•Askarta Israa’iil ee lagu dhaawacay inta uu socday howlgalka dhulka : 1,085

 

Dadka barakacay

 

•Falastiiniyiinta ku barakacay Qasa: 1.8 milyan

•Israa’iiliyiintu ka barakacay xuduudaha waqooyiga iyo koonfurta: 249,263

•Falastiiniyiinta ku barakacay Daanta Galbeed: 1,208

 

Maxaabiista

 

.Maxaabiis Israa’iiliyiinta ee Xamaas ay gacanta ku dhigtay tan iyo 7 Oktoobar; 250

•Maxaabiistii la sii daayay: 121

•Maxaabiistii ku hartay: 136

•Maxaabiistii lagu dilay ama ku dhintay Xamaas •maxaabiis ahaan: 33

•Maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la sii daayay intii lagu jiray xabbad-joojinta toddobaadka socotay:240

 

Bambooyinka lagu riday Qasa;

 

•Waxaa lagu tuuray Qasa: 29,000 oo bambo, rasaas iyo madaafiic

•Gantaalaha Xamaas ay ku riday Israa’iil : 14,000