Maayirada Iyo Maayiro ku xigeenada Magaaloyinka Burco iyo Odweyne Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye.

0
55

Maayirada Iyo Maayiro ku xigeenada Magaaloyinka Burco iyo Odweyne Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye.

 

Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta xarunta xisbiga ku soo dhaweeyey Maayarrada iyo Maayar-ku-xigeennada degmooyinka Burco iyo Oodweyne ee caasimadaha Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh iyo weliba guud ahaan xildhibaannada golaha Deegaanka Oodweyne oo dhammaantood ku soo biiray xisbiga KULMIYE, dhawaana xaflado loo qaban doono.