Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka Somaliland Oo Taiwan Ku Sugan

0
32

Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka JSL Md. Muuse Xassan Yusuf oo ay weheliyaan xubnaha KDQ ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Taiwan.

 

Weftigan KDQ ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhiggooda Komiishanka Doorashooyinka ee Taiwan.

 

Weftiga KQD waxay ka mid noqon doonaa Kormeerayaasha Caalamiga ah (International Observers) ee kor-jaagayn doona Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee dalka Taiwan ka dhici doona 13 January 2024. Weftiga waxaa maanta qado sharaf iyo kulan sagootin ah u sameeyey Safiirka dalka Taiwan ee JSL Ambassador Allen Chenhwa Lou.